Shir-sanadeedkii Hay’adda wax wada qabsiga iyo Horumarinta “DEZA” oo ka dhacay Bern Switzerland.

Waxaa shalay oo Jimcaha ahayd magaalada Bern lagu qabtay Shir-sanadeedkii Hay’adda wax wada qabsiga, Horumarka ee waddanka Switzerland, waxaana shirkaas laga soo jeediyey Warbaxinno la xiriira horumarka laga sameeyey dhinacyada Cilmiga, dhibaatooyinka Cimilada, nolosha Umadaha soo koraya iyo Cabsiga laga qabo in waddamo badan ay wax soo saarkoodu dhinaca Beeraaha uu hoos u dhaca ku yimaado.

Haddaba si arrintaas loogu hadlo waxaa dood dhexmartay aqoonyahanno ka soo kala jeeda Qaaradda Afrika, Asia. Mareykanka iyo Laatin Amerika, waxayna ka doodeen ama ay ka hadleen Xaaladda ka jirta waddamada Soo koraayo, gaar ahaan meelaha uga daran sida Afganistaan Ciraaq, Suuraya, dalalka ku yaala Woqooyiga Afrika Geeska Afrika iyowadamo kale oo ka mid ah Africa iyo Latin Ameerika.

Waxaa Shirweynahan soo qabanqaabiyey Hay’adda wadanka Swisska uga qaabilsan Kaalmooyinka iyo Harumarinata Xiriirka Caalamiga “DEZA” ee hoos tagto Waaxda Federaalka uga qaabilsan arrimaha dibadda, hase yeeshee hay’addan ayaa inta badan u olloleeya horumarka iyo dimuqraadiyada.

Sidoo kale  Hay’adda DEZA, waxay Sannadkasta ay shirweynaha soo hor dhigtaa wax qabadkeeda Caalamiga, taas oo ugu talagashay si caalamka uga muujiso kaalinta Dalka Switzerland ay kaga jirto Ololaha looga hortagaya Musiibooyinka ka dhaca Caalamka guudkiisa iyo sidii caalamka loo gaarsiin lahaa Isku Fillaansho Guud.

Sida qoorshuhu waxaa uga horreyntii kulankaas ka hadlay Wasiirka Waxda Arrimaha Dibadda  Didier Burkhalter, wuxuuna sheegay in Siyaasadda Dowladda Federaalka Switzerland ay salku ka haysa sidii loo horumarin lahaa Wadamada soo koraaya ee Caalamka, waxayna heegan u tahay Swissku sidii ay gacan uga geysan lahayd meelaha ku habsata dhibaatooyinka dabiiciga.

Wasiirku wuxuu caddeeyey in Switzerland ay keligeed Horumar wanaagsan gaari maayo, haddii Caalamka intiisa kale aysan ka jirin horumar, Nabaddu waa Virus lagula dagaallamo nabad la’aanta si loo gaaro degganaasho Caam ah”, ayuu ku soo gunaanuday Mudane Didier.

Waxaa kaloo Shirweynahaas ka hadlay Madax ka tirsan waaxyaha Hay’adda DEZA, waxayna u Jeediyeen Ururradii ka soo qayb galay Shirweynaha warbixinida la xiriira Sida ay hay’addu howlaheeda u fuliso iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin Ururrada ka Gudaha iyo Dibadda dalkan Switzerland  iyo waliba xiriirka ay la leeyihiin dowladaha wadamada ay ka fulinayaan Mashaariicda Horumarineed.

Inkasta oo ujeedada guud ee Shirweynuhu uu ahaa  in laga wada xaajooda, haddana kama ay marnayn talo iyo tusaale ay bixiyeen martidii madashaas ka soo qayb gashay, sidoo kale aqoonyahannadii kulankaas goobjoog ka ahaa oo si toos ah u abbaareen habka loo horumarin karo wadamadooda iyo shacabkoodaba.

Si kasta ha ahaatee waxaa shirweynaha ka soo qayb galay Uruurrada Samafallada ee jira gudaha dalka Switzerland waxaana ka mid ahaa Ururka RajoPeace, Integration & Development for Somalia oo Hormuud u ahaa Guddoomiye Abukar Mudey oo ay la socdeen Madaxda kale  ee Ururkaas waxaana ka mid ahaa Dr. Axmed Dhicisow iyo Farhiya Koosar, ina shirkaas uu ahaa mid wax badan ay kaga soo faa’ideysteen.

SomaliSwiss     Bern

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: