Madaxweyne Shariif oo maanta xarunta Madaxtooyada kula kulmay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Agostine Mahiga.

Madaxweynaha Waqtigiisa soo gebagebada ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka hadlay shaqada guddiga farsamada iyo xulitaanka baarlamaanka iyo dhammeystirka marxaladda KMG ah, kaddib kulan uu la qaatay ergayga qaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Agostine Mahiga.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Danjire Mahiga oo si wadajir ah Shir jaraa’id ay uga  qabteen xarunta madaxtooyada ayaa wuxuu Mmadaxweynuhu sheegay in guddiga TSC-du ay shaqadoodu tahay kaliya inay hubiyaan in xubnaha baarlamaanku ay buuxiyeen shuruudihii lagu heshiiyay (criteria), shirarkii Garowe, Galkacyo, Adis Ababa iyo Nairobi.

Sidoo kake Madaxweyne Shariif oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yri :.“Waxaan isla garanay in 20-ka Agoosto marka loogu yaryahay Baarlamaanka aan heysano, heshiisyadii Garowe, Gaalkacyo, Adis Ababa iyo Nairobi in la ixtiraamo, guddiga farsamadu waxay leeyihiin inay criteria-da dadka u fiiriyaan, awood intaas ka baxsan malaha, hadday wax khilaafa yimaadaana guddiga odayaasha ah ee u xilsaaran ayaa iska leh”.

Dhanaka kale Madaxweynaha ayaa waxay saxaafaddu weydiisay in baarlamaanka cusub ay ka mid noqon karaan hoggaamiye kooxeedyadii dalka, wuxuu sheegay in loo baahan yahay inaan la siyaasadeyn arrinta ee loo fiiriyo qof kasta inuu buuxiyay wixii lagu heshiiyay.

Madaxweynuhu wuxuu intaas uu ku daray.ee uu yiri : “ Marka la rabo qof in la eedeeyo waa in maxkamad caddaalad ah ay xukuntaa, marka qof ay maxkamad caddaalad ah xukuntay ma jiraa oo la dhihi karo dambiile waaye, waxaa laga hadlaayayna waxay ahaayeen dambiilenimo, marka waxaa la rabaa inaan la siyaasadeyn oo qorshaha sida uu yahay loo wado.”

Waxaa kaloo shirkaas jaraa’id ka hadlay Danjire Mahiga oo sheegay in mas’uuliyadda soo xulidda Baarlamaanka ay leeyihiin kaliya odayaasha dhaqanka, isla markaana aan la aqbali Karin in si gaar ah loo bartilmaameedsado shakhsiyaad ama dad gaar ah, wuxuuna intaas uu raaciyey ee uu yiri : «  ma jiri karto wax qof bartilmaameedsi ah, tanina waa waddada kaliya ee horay loogu soconayo» wuxuuna caddeeyey  Danjire Mahiga in madaxweynaha uu leeyahay hoggaaminta dhammeystirka marxaladda KMG ah.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: