Deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayaa wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya Kuwa Kenya ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolkaasi.
Ciidamada dowladda iyo Kenya oo si aad ah hubaysan ayaa maanta u jiheystay Deegaannada Xagar iyo Mager oo duleedka ka ah degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose halkaasi oo saacadihii u dambeeyay ay ku dagaalamayeen Ciidamada DKMG iyo Kenya oo qeybka ah howlgalka AMISOM iyo Ururka Al Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in la wareegitaanka deegaannadaasi ay muhiim u tahay isu socodka wadada isku xirta degmooyinka Afmadow iyo Dhooblay oo ay weerar ka fullin jireen Xarakada A Shabaab.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa wacad ku maray inay Ciidamada huwanta ay ka go’an tahay inay la wareegeen deegaannada iyo degmooyinka kale oo Jubbada hoose ay kaga sugan yihiin Al Shabaab sida ay hadalka u dhigeen.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhaq dhaqaaqa Al Shabaab oo ku aaddan hadalka kasoo baxay Saraakiisha DKMG oo sheegaya inay la wareegeen deegaanno ka tirsanaa Jubbada hoose oo ay ku sugnaayeen Al Shabaab, wallow maalmihii dambe halkaasi ay ka dhacayeen dagaalo u dhaxeeya dhinacyada isku haya gobolada Jubbooyinka.
Source: Shabelle
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.