Geneva/Nairobi (ICRC) – 420,000 qof oo aad u nugul oo ay ku jiraan qoysas barakacayaal, agoon, dad da’ ah iyo dadka naafada ah oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxaa la siiyey gargaar cunto aasaasi ah oo kufilan mudo bil ah.
ICRC War Saxaafadeed No. 12/157
17 August 2012
Somalia: Gargaar Cunto oo la Siiyey 420,000 Qof oo Muqdisho ku Nool
Geneva/Nairobi (ICRC) – 420,000 qof oo aad u nugul oo ay ku jiraan qoysas barakacayaal, agoon, dad da’ ah iyo dadka naafada ah oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxaa la siiyey gargaar cunto aasaasi ah oo kufilan mudo bil ah.
“Joogitaanka dad badan oo barakacayaal ah magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan qaar mar dhow ka soo cararey dagaaladii ka dhacay Afgooye, ayaa waxay kadhigaysaa dadka ugu nugul inay helaan cunto joogta ah,” waxaa yiri Maxamed Sheekh Cali-isku duwaha mashaariicda sugnaanta dhaqaalaha ee Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) “Cadaadiska deegaanka ee suuqyada iyo hoos u dhaca wax soosaarka beeraha roob yaraan iyo colaadaha awgood waxay si weyn u saameeyeen helista cuntada. Tani waxay dhalisey sicir barar ku yimaada meelaha la degan yahay, iyadoo ka dhigtey raashinka daruuriga ah mid aysan heli karin dadka aadka ugu baahan.
ICRC-da iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa waxay wada shaqeyn la yeesheen ururo kale ee gargaarka ka shaqeeya si ay u fuliyaan raashin qeybinta oo ka kooban bariis, digir, saliid iyo boorish.
Ayadoo la xurmeynaayo bisha barakeysan ee Ramadaanka, ICRC-du waxay raashin iyo timir u qeybisey ku dhowaad 1000 maxaabiis oo ay hayso dowladu taariikhdu markey ahayd 28 iyo 29 July. ICRC-da waxay dib u bilowdey booqashada maxaabiista ku xiran Muqdisho bisha May gaar ahaan maxaabiista u xiran dagaalada awgeed si loo hubiyo sida loola dhaqmo iyo xaaladahooda xabsiga.
“Booqashada maxaabiista waa howl muhiim u ah ICRC-da dunida oo idil, iyadoo si toos ah ugu xiran xilkeeda ay ku badbaadineysa dadka xiliyada colaadaha, waxaa yiri Hichem Khadraoui, iskuduwaha howlaha dhowrista ee Soomaaliya. “Meelaha laga maarmaanka ah, waxaan ku saacidnaa maamulada inay hagaajiyaan xaaladaha xabsiyada.” agabka aasasiga ah sida bustooyinka, joodariyaasha, waxyaabaha nadaafada la xiriira, kabaha saandalka iyo dhar ayaa loo qeybiyey maxaabiista ku xiran Muqdisho sedexdii bilood ee ugu dambeysey.
ICRC-da waxay ka shaqeyneysey Soomaaliya tan iyo 1977-dii iyadoo si dhow ula shaqeyneysa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed. Waxay bixisaa gargaar deg deg ah iyo mid fogba oo loogu tala galey in lagu xoojiyo isku filnaashaha bulshada laguna hormariyo xeerka Caalamiga ee Aadininimada isla markaana kormeero xaaladaha iyo la dhaqanka maxaabiista.
Fadlan nala soo xiriir
Fatuma Abdulahi, ICRC Somalia, tel: +254 731 008 754
Jean-Yves Clémenzo, ICRC Geneva, tel: +41 22 730 22 71 or +41 79 217 32 17
or visit our website: www.icrc.org
Filed under: Muqdisho |