Dowlada Uganda ayaa sheegtay in ay mar kale Soomaaliay u soo direyso diyaarado dagaal.

Dawlada Uganda ayaa sheegtay in ay Soomaaliya mar kale u soo dirayso diyaarado dagaal, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dagaalada ay ciidamada AMISOM kula jiraan kuwa kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhiga wadanka Uganda Gen. Jeje Odongo ayaa u sheegay warbaahinta in hadda ay wadankaasi ka socdaan wada tashiyo ay leeyihiin mas’uuliyiinta dawlada Uganda QM. iyo Midawga Africa, go’aankuna yahay in dawlada Uganda ay mar kale diyaardo u soo dirto dalka Soomaaliya.

Gen. Jeje Odongo waxaa uu xusay in hadda ay socdaan qorsha-yaalay dawlada UgandaĀ  ay Soomaaliya ugu soo dirayso agab ciidan iyo diyaarado kale oo ka qeyb qaata hawlgalka ka socda Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in dawladiisa ay ka go’an tahay in ay wax badan ka qabato amni kusoo celinta Soomaaliya.

Dawlada Uganda ayaa dalka Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamada ugu badan, waxaana ay hormuud u tahay howlgalka ciidamada Midawga Africa ee AMISOM la yiraahdo.

Si kasta ha ahaatee dhowaan ayey aheyd markii ay dowlada Uganda Soomaaliya usoo dirtay afar diyaaradood oo dagaal, kuwaas oo ku burburay gudaha dalka Kenya, iyadoo aan la ogeyn hada tirada kale ee diyaaradaha dagaal ee ay usoo diri doonaan Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: