Wasiirro, Siyaasiyiin iyo Qabqablayaal lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo laga reebay liiska Baarlamanka cusub.

Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliya ayaa xubno badan oo ahaa wasiirro, wasiiru dowlayaal iyo siyaasiyiin hore oo caan ah ka reebay liiska xubnaha ay beeluhu gudbiyeen ee ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee dalku yeelan doono. HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIYO KALA DUWAN

Xubnaha la soo celiyay oo isugu jira, Wasiiro hore, Wasiiru dowlayaal iyo Hogaamiye kooxeedyo ayay ka mid yihiin kuwa badan oo caan ah, waxaana ka mid ah:

C/laahi Sh. Ismaaciil oo soo noqday wasiirkii arrimaha dibedda Soomaaliya, C/raxmaan Ibbi wasiirkii kaluumaysiga, C/casiis Sheekh Yuusuf oo ahaa wasiirka caafimaadka, Xasan Macalin Wasiiru dawlihii hore ee madaxtooyada DKMG ah.

Sidoo kale xubnahaan oo ah kuwii ugu dambeeyay ee lasoo celiyo ayay ka mid yihiin C/qaadir Cali Cumar oo ahaan jiray Wasiirkii Arimaha Gudaha, Daahir Maxamuud Geelle oo ahaa wasiirkii hore ee warfaafinta, Maxamed Qanyare afrax oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay dowladihii hore, isla markaana ahaa hogaamiye kooxeed iyo qaar kale oo badan, kuwaas oo intooda ugu badan ay yihiin dagaal ooge yaal, qab qablayaal iyo gacan yara yaashood iyo dad loo haysto dambiyo kale iyo ka mid ahaanshaha ururo diimeed.

Xubnahaan ayaa badankood lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen hoggaamiye kooxeedyadii dagaalka ee Soomaaliya iyo urur diimeedyada kala duwan sida Aala Sheekh eedaasi oo ay si weyn u diideen intooda badan.

Qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka ee beelaha ay ka soo jeedaan xubnahaan la soo celiyay ayaa si weyn u diiday dib u soo celintaas waxayna guddiga farsamada ku eedeeyeen inaysan xaq u lahayn in xubnahooda ay soo celiyaan.

Hoos ka dhageyso wareysiyo ay VOA la yeelatay qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka iyo Wasiiradii hore C/casiis Sheekh Yuusuf iyo C/laahi Sh. Ismaaciil.

AMA HALKAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO

Audio Source: VOA Somali

%d bloggers like this: