Shariif Sakiin oo afkiisa isku xiray, loona diiday doorashada madaxtinimada iyo xubin baarlamaan intaba.

Shariif Sakiin ayaa u dhaartay, wasiirka  Dastuurka dowladda KMG ah ka dib markii liis xildhibaano ah oo beeshiisu gudbisay dib loogu celiyey beesha loona sheegay in aysan buuxin shuruudaha xildhibaanimo dad uu ku jiray Shariif Sakiin.

HOOS KA DAAWO SHARIIF OO U DHAARANAYA WASIIRKA DASTUURKA IYO WAREYSIGA AQOONTIISA.

Shariif Sakiin ayaa waydiiyay wasiirka dastuurka sababta loo soo celiyay isaga iyo dad kale, waxaana loo sheegay in looga baahan yahay shahaado dugsi sare, taas oo uusan shariifku haysan, horena uu u sheegay inuusan dhigan dugsi sare.

Shariifka ayaa ku goodiyey in shuruudaha lagu xirayo aysan ahayn wax macno ku fadhiya, isla markaana shahaadooyin suuqa laga soo iibsan karo, isagoo yiri “Waxaad Shuruudaha ka dhigeysiin suuqa ayay yaallaan, waana lasoo gedaa ee ma adigaa diidi kara markaas”.

HALKAAN KA DAAWO SHARIIFKA OO U DHAARANAYA WASIIRKA CADAALADDA IYO WAREYSIGA INUUSAN DUGSI SARE DHIGAN.

[blip.tv http://blip.tv/play/h5Nog4GCHwA width=”480″ height=”340″]

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: