Advertisements

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo dowladda ugu baaqay in la joojiyo dilalka abaabulan ee ka dhaca Soomaaliya.

Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah ugu baaqay dowladda in wax laga qabto dilalaka qorsheysan ee ka dhaca dalka Soomaaliya.

War-murtiyeed oo ay si wadajir ah ugu soo baxay Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika ayaa si kulul loogu cambaareeyay falalka dilalka qorsheysan ah ee ka dhaca dalka Soomaaliya.

Sidoo kale War.murtiyeedkan ayaa lagu sheegay in labadii bil ee ugu dambeysay ay si aad ah u kordheysay dilalka qorsheysan ee loo gaysanayo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya iyo Saxifiyiinta, iyadoo Dowladda KMG Soomaaliya loogu baaqay in si deg deg ah ay wax uga qabato Falalka dilka ah ee  ka dhacaya gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Caasimadda ee Muqdisho

Waxaa kaloo war-murtiyeedka lagu Caddeeyey in dilalka soo noq noqday intooda badan ay dhacayeen seddeedda sano ee lagu guda jiray xilliga Kumeel-gaarka ah.

Si kasta ha ahaatee waxaa War-murtiyeedkaas  lagu sheegay in Dowladda gacan lagu siin doono wax ka qabashada arrimahaasi, loona baahan yahay in Dowladda ay isku hoosho soo qabashada kooxaha caadeystay dilalka abaabulin ee ka dhacay dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss   New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: