Advertisements

Gudoomiyahii Ganaacsatada Suuq Bacaad oo ay caawa kooxo hubeysan dileen magaalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa caawa salaadii makhrib abaarihii xilliga Afurka ku dilay Masaajid ku yaala Suuq Bacaad Gudoomiyihii Ganacsatada Suuqaasi, iyadoo kooxaha dilka geystay ay ka baxsadeen goobta.

Allaha u naxariisto Saciid Fiidow waxaa Kooxaha Hubeysan ay ku dileen irida hore ee Masaajid ku yaal xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid, xilli marxuumka uu ku howlanaa biyo qeybin dadka jameecada Masaajidka ay ku afurayeen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ragga dilka ka dambeeyay ay ahaayeen labo dhalinyaro oo Bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasoo madaxa ka toogtay.

Dilka Gudoomiyaha Ganacsada Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ayaan wali cidna sheegan, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Yaaqshiid.

Dhowrkii Cisho ee ugu dambeyay ayeey dil saf mar ay ay ku hayeen dadka wax galka kooxo leh dano guracan oo sida la aamisanyahay u shaqeeya Shisheeyaha.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: