Advertisements

Dowladda Mareykanka oo sheegtay inaan loo dulqaadaneyn kuwa jagada ku raadinaya dilalka qorsheysan, caga-jugleynta iyo laaluushka iyo… Qabqablayaal dib u soo noqda.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ka welwelsan tahay, isla markaana walaaca iyo shakiga ay qabaan ay kala mideysan tahay madaxda kale ee caalamka, sida Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan habka ay ku socoto xaaladda soo xulista xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya yeelan doonto.

War maanta laga soo saaray safaaradda Mareykanka ee Nairobi, gaar ahaan qeybta u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu welwelka ku saabsan soo xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kala mid yahay, kan ay ka muujinayaan  madaxda midowga Afrika, kuwa midowga Europe Qaramada Midoobay iyo wadamo kale oo caalamka ah.

James Swan, the U.S. representative for Somalia,

James Swan, Wakiilka dowladda Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in welwelka ugu weyn ee yahay, cabsi gelin, caga jugleyn iyo musuq maasuq joogta ah oo ka dhex socda soo xulista xubnaha cusub ee baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in arrimaha waaweyn ee aan la dhayeelsan karin ay ka mid yihiin in qeybtii dumarka loo qoondeeyay meesha laga saarayo, halka beelaha qaarkoodna ay dib u soo celinayaan oo ku soo derayaan baarlamaanka cusub qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay arrin aan la dhayeelsan karin.

Wuxuu ugu baaqay madaxda sare ee dowladda KMG ah in ay soo xulista baarlamaanka iyo doorashooyinkuba noqdaan kuwa ka madax banaan cabsi gelin, caga jugleyn iyo wax isdaba marinta.

Wuxuu ka dalbay madaxda dowladda in lajoojiyo dilalka qorsheysan, caga jugleynta iyo cabsi gelinta isagoo ogeysiiyay inaysan ku fakan doonin oo laxisaabi doono, cadaaladana la-hor keeni doono kuwa ku kacaya arrimahaas.

 Maalmihii lasoo dhaafay waxaa isa soo tarayay, welwel iyo walaac ay madaxda caalamku ka muujinayeen, dilalka qorsheysan iyo sida ay u arkaan soo xulista xubnaha baarlamaanka Soomaaliya uu yeelan doono oo ay sheegeen in ay isugu biya shubatay cagajugleyn, handadaad iyo musuq maasuq ay sameynayaan qaar ka mid ah xubnaha sare ee dowladda KMG oo doonaya in ay boosaskooda sii joogaan iyo dad kale oo aan la carabaabin.

SomaliSwiss Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: