Diyaaradihii dagaal ee wadanka Uganda burburkooda laga helay bartamaha dalka Kenya.

Afartii diyaaradood ee ay laheyd dowladda Uganda ayaa la xaqiijiyay in intooda badan burburkooda laga helay gudaha dalka Kenya, kuwaas 00 la doonayay in ay ka qayb-qaataan qabashada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Diyaaradahan ayaa waxaa burburkooda laga helay dhulbuuraley ah oo ku yaalla baratmaha dalka Kenya, iyagoo qaar kamid ah ay gubteen, waxaana la helay askartii la socday mid kamid ah, kuwaas oo la sheegay in ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, iyadoo la sheegayo in maydadka laba askari oo kamid ahaa kuwii diyaaradda saarnaana la helay goor dambe oo maanta ah.

Saraakiil u hadlay militariga Kenya ayaa sheegay in dhaawacyada lagu daweynayo isbitaal ay ku leeyihiin meel ku dhow halka laga helay burburka diyaaradaha, iyadoo qaar kamid ah duuliyaashii la helay lagu daweynayo isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay militeriga Uganda oo lagu magacaabo Col. Felix Kulayigye oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in aan weli la ogeyn tirada ku dhimatay diyaaradaha, balse la helay 7 askari oo dhaawacyo qaba iyo 2 dhimatay, isagoo intaa ku daray in mid kamid ah diyaaradihii ay soo direen ay ku dagtay Gaarisa.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: