Gudoomiyaha guddiga xulista xildhibaanada oo sheegay in ay gebagebo mareyso xulista xubanaha Baarlamanka.

Golaha Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee ku howlan xulista Mudanayaasha ka mid noqonaya Baarlamanka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in meel wanaagsan ay u marayaan howlaha xulista xildhibaannada iyagoo ka digay caqabad ka timaada dhinaca Siyaasiyiinta.

Garaad Jaamac oo ah Guddoomiyaha guddiga xulista mudanayaasha ayaa Saakay la hadlay Warbaahinta wuxuuna faahfaahin ka bixiyay halka ay mareyso howsha xulista Mudanayaasha cusub ee Baarlamanka, isagoo tilmaamay in ay ku guuleysteen wajiga koowaad ee xulista xildhibaannada, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in goor dhow ay soo gebagebeyn doonaan howshaasi.

Garaad Jaamac.oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: ‘’meel fiican ayeey noo mareysaa howsha dhameystirka xulista mudanayaasha, waqti badanna naguma qaadan doonto haddii aysan siyaasiyiintu na carqaladeyn, hore waxaan u soo xulnay wajiga koowaad ee mudanayaasha haddana wey socotaa xulista innagoo aan ka tageynin qoondada haweenka.’’

Sidoo kale hadalka Garaadka ayaa ku soo beegmaya xilli si weyn loo hadalhayo isbedellada siyaasadeed ee dalka ka dhacaya, iyo hurumarka ay dowladdu ka gaartay sidii looga bixi lahaa KMG-ka loona heli lahaa dowlad rasmi ah oo uu dalku yeesho 20tan sano kadib.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: