Dowladda Kenya oo xaqiijisay burburka Afar diyaaradood oo ay Uganda u soo dirtay wadanka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay waaxda duulista dalka Kenya oo laguna magacabo Bogita Ongeri  ayaa xaqiijiyay in ay burbur xoogleh soo gaareen illaa Afar diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ahaa iyo ciidamdii saarnaa oo laga leeyahay dalka Uganda.

Mr Bogita Ongeri ayaa sheegey in Diyaaradahan oo afar ahaa Maalinimadii Axadda ay ka soo duuleen Garoonka Diyaaradaha ee Entebe, kuwaas oo kusii jeeday dalka Soomaaliya, ha yeeshee seddax kamid ahi ay ku burbureen gudaha dalka Kenya, halka loo yaqaano Monta Kenya.

Sarkaalkan u hadlay waaxda duulista ee dalka Kenya ayaa sheegey in Diyaaraddii afaraad ee la socotay Diyaaradahaas burburay ay ku dudhacday garoon ku yaala bartamaha Mount.

Warka ayaa waxaa uu intaa ku darayaa in Diyaaradahasi oo ay dawladda Uganda ugu tala gashay hawl galka la doonayo in laga sameeyo Magaalada Kismaayo aan la ogeyn sababta keentay Bur burkooda.

Dawladda Kenya ayaa waxa ay iminka bilaabaysaa Baaritaano ay ku xaqiijinayso sababaha keenay Burburka sedaxdaas Diyaaradood oo noocoodu ahaa helikobtariska lana doonayay in lagu xoojiyo hawl gallada Amisom ee Soomaaliya.

Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dawladda Uganda iyadoona ka war sugaysa baaritaanada ay sheegtay Xukuumadda Kenya in ay ku samaynayso sababihii keenay burburka Diyaaradahaas oo ahaa diyaarado Militery.

Si kasta ha ahaatee waa khasaarihii ugu ballaarnaa ee Xukuumadda Uganda kasoo gaara Soomaaliya, iyadoo sababtuna ay tahay Afar Diyaaradood oo mar qura ku bur buray hawl gal ay ugu socdeen Sooaamliya.

SomaliSwiss Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: