Baadari Kenyan ah oo xalay lagu dilay degmada Mandheere ee Gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya.

Waxaa bartamaha magaalada Mandheera ee dalka Kenya ay xalay Kooxo bastoolado ku hubeysan ku dileen baadari Kenyan ah, waxaana muran oo warar kala duwan ah ay sheegayaan halka uu ka yimid baadariga la dilay.

Dad ku sugan Mandheera ayaa saxaafadda u sheegay in baadariga uu ka soo baxay kaniisad ku taalla magaalada, halka warar kalena ay sheegayaan inuu kasoo baxay goob ganacsi oo uu ku leeyahay magaalada.

Sidoo kale Saraakaal u hadlay booliiska Kenya ayaa durba ku eedeeyay dilka baadarigan inay ka dambeyso Xarakada Al-shabaab, inkastoo aysan weli Al-shabaab ka hadlin dilkan oo dhacay xalay fiidkii.

Sarkaalkan ayaa sheegay in dableyda dilka geystay ay u baxsadeen degmada Balad-xaawo oo daris la ah degmada Mandheera, wuxuuna intaas ku daray in booliska ay wadaan baaritaanno la xiriira arrintaas.

Sida la wada ogsoon yahay todobaadyo ka hor ayay ahayd markii ciidammo Kenyan ah iyo darawal ka tirsanaa shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom lagu dilay meel ku dhow degmada Mandheera, weerarkaas mas’uuliyaddiisa ay sheegateen Xarakada Al-shabaab.

Si kasta ha ahaatee tan iyo markii ay Kenya ciidamada u soo dirtay Soomaaliya waxaa dalkaas ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lala beegsanayo shaqaalaha dowlada, ciidamada iyo dadka aaminsan diinta masiixiga.

SomaliSwiss   Mandheera

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: