Mr. Oyo Nyeko oo sheegay in ciidamada Booliska cusub ee AMISOM & kuwa Soomaaliya ay ka wada howlgeli doonaan magaalada Muqdisho.

Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska ee AMISOM  Mr. Oyo Nyeko ayaa sheegay in ciidamada hordhaca Booliska AMISOM ee Muqdisho soo gaaray ay ka howlgali doonaan dhowaan iyaga oo Caawinaya Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Mr. Oyo Nyeko ayaa sheegay in ay ciidamadaasi marka hore ay fariisiin ku wada yeelan doonaan 16-ka Saldhig ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana sidoo kale uu Sheegay in ay Ciidamadaan ka shaqeyn doonaan soo celinta amniga iyo Sharciga Dalka.

Sidoo kale Taliyuhu wuxuu intaa ku daray in Ciidamadaani soo gaaaray Muqdisho yihiin Ciidamo dhawaan ka yimid Dalka Uganda Maalmaha nagu soo aadana ay Ciidamo Boolis ah Gana Sacda dalka Naajeeriya Muqdisho imaanayaan kuwaas oo qeyb ka ah Howlgalada Ciidamada AMISOM.

Mr. Oyo Nyeko ayaa hadalkaan ka jeediyay Xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada Shibis oo  Dhowaan Booliska AMISOM Fariisimo ka sameysteen Xaruntaas, waxaa kaloo halkaas ka hadlay Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen Shariif Sheekhunaa Maye.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@homail.com

%d bloggers like this: