Duqeyn waxyeello geysatay oo xalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee Gobolka J/Hoose.

War Saakay aroortii hore naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in  xalay duqeyn xooggan ka dhacday magaaladaasi,  kadib markii ay malleeshiyadka Al-Shabaab duqeyn la beegsadeen Markab marayay agagaarka xeebta degmadaasi, waxaana duqeyntaas ku dhintay 4qof,  sidoo kale waxaa ku dhaawacmeen in ka badan 3 qof.

Warkan ayaa waxaa  Warbaahinta u xaqiijiyey Xildhibaan Maxamed Cumar Geedi oo ka tirsan mudanayaasha Barlaamanka ee ka soo jeeda gobolkaas, wuxuuna sheegay in duqeeynta Saqdii dhexe ee xalay loo geystay magaalada Kismaayo ay ka dambeeysay kadib markii malleeshiyaadkaasi ay madfac ku tureen Markab dagaal oo ku soo dhawaaday xeebaha magaaladaasi.

Dhanka kale Xildhibaanka ayaa sheegay in madaacfiicdaasi ay ku geeriyoodeen Sadex qofood oo rayid ah halka Afar kale ay ku dhaawacmeen, isagoo intaa ku daray in madaafiicdaasi ay wax yeello u geysteen malleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda shabaab.

Sida la wada ogsoon yahay magaalada Kismaayo ayaa waxay ka mid tahay meelaha ay wali ku sugan yihiin malleeshiyaadka xarakada Al-Shaabaab ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca duqeymo lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha Alqaacidda, hase ahaaee waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada Dowladda ay kaabiga u saaran yihiin magaalada Kismaayo.

SomaliSwiss     Kismaayo

SomaliSwiss@homail.com

%d bloggers like this: