Hay’adda UNHCR iyo dowladda Kenya oo si qarsoodi ah u kala saxiixday in ay wadaagaan sirta dadka Qaxootiga.

Hay’adda UNHCR iyo Dowladda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis sir ah oo ay isku dhaafsanayaan dhammaan macluu maadyada dadka qaxootiga ah ee ay diiwaan geliso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR. HOOS AKHRI DOKUMINTIGA SIRTA AH.

Heshiiskaan sirta ah oo ka hadlaya waxyaabo kala duwan ayaa dhigaya in dowladda Kenya, waaxdeeda socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Hay’adda UNHCR ay si joogta ah isu dhaaf sadaan isla markaana wadaagaan oo isu gudbiyaan,  macluumaadka muhiimka ah ee qof kasta oo laga diiwaan geliyo xafiiska Qaxootiga ee Hay’adda UNHCR, iyadoo la isticmaalayo system elektroonik wadaag ah ama warqado la isku qoro iyo qaabab kale, hadba tii ladoono.

SomaliSwiss ayey u suurta gashay in ay hesho Dukumiinti sir ah oo quseeya dhammaan qaxootiga ku xareysan xeryaha kala duwan ee dalka Kenya iyo sidoo kale kuwii la-diiwaan geliyay 10-kii sano ee ugu dambeysay, iyadoo dukumiintigaasi muujinayo arrimo kala duwan. HALKAAN RIIX NUQUL QAXOOTIGA SANADKII 2006-2010 DIBADA LOO QAADAY, DHALASHADOODA IYO DOWLADAHA QAADAY.

Tusaale ahaan waxyaabaha aan hadda xuseyno ee ku cad ayay ka mid yihiin guud ahaan sida ay hay’addu u maareyso qaxootiga, culeysyadii ka horyimid, waxyaabihii u suurta galay, qaxootiga ay diiwaaan gelisay, kuwa megengelyada lasiiyey iyo nuuceeda, inta la diiday, kuwa dib u dejinta loo sameeyay iyo arrimo kale oo fara badan, sida heshiiskaan ay hay’addu la gashay dowladda Kenya iyo waxyaabo kale.

Qeybo ka mid ah heshiiska hay’adda iyo dowladda Kenya ayay ku qoran tahay in Migareeshinka dalka Kenya iyo UNHCR ay si toos ah iyo si dadban intaba u wadaagaan warbixinnada shaqsiga ah ee qof kasta oo isdhiiba, waxaana heshiiska ka mid ah in;
 
1. Hay,adda UNHCR ay dowladda Kenya la wadaageysaa warbixinta shaqsiyadeed iyo macluumaadyada muhiimka ah ee qof kasta oo qaxootinimo loo diiwaan geliyo ama megen gelyo doon ah, kaas oo ay hay’adda UNHCR diiwaan geliso ee ku sugan dalka Kenya sida:-

(A) Magaca Qofka;
(B) Lambarka goonida ah ee Feylka qofka;
(C) Waqtiga uu yimid dalka Kenya;
(D) Xilliga ay Hay’addu diiwaan gelisay;
(C) Goobta Dhalashada iyo dalkiisa;
(F) Asal ahaan dalka uu ka soo jeedo;
(G) Wadanka uu ku dhashay;
(H) Taariikhda dhalashada;
(I) Jinsiga Lab ama dheddig;
(J) Xaas ama Doob;
(K) Sawirada qofka ee Muuqaalka & Faraha;
(L) Midka uu yahay Qaxooti rasmi ah ama nabad gelyo doon;
(M) Kiis lambarkiisa iyo Guri Lamabarka;
(N) Hal qof mise Faamil badan;
(O) Cinwaanka meesha uu degan yahay, Telefoon lambarka iyo E-mail haddii uu leeyahay.

Sababaha ugu waaweyn ee loo wadaagayo xogta dadka ayaa lagu macneeyay arrimo kala duwan, sida in lahubiyo dadka Kenyaatiga ah ee sheeganaya in ay Qaxooti ka yimid dal kale, in lahubiyo dadka isticmaala dhalashooyinka been abuurka ah, in laxaqiijiyo inaan dadka qaarkood marar badan is dhiibin iyo arrimo kale oo la xiriira in dadka qaxootiga loo aqoonsado dowladdu u sahasho waxyaaba lagama maarmaan ah, waxaana sidoo kale ka mid ah waxyaabaha ku qoran;

(A) in la-ogaado qofka u baahan daryeel qaxootinimo, midka aan u baahneyn ama aan u qalmin taageero qaxootinimo oo caalamiya;

(B) In Magareeshinka dalka Kenya la socdo dadka hay’addu diiwaan geliso iyo kuwa ay siisay meganyalada;

(C) In la ogaado dadka u dhashay dalka Kenya ee iska diiwaan geliya UNHCR , isla markaana weydiista Megengelyo iyagoo iska dhigaya in ay ka yimaadeen Soomaaliya;

(D) In la ogaado dadka heysta Kaararka dhalashada been abuurka ah ee dalka Kenya ee iska diiwaan geliya xafiiska hay’adda UNHCR ee doonaya megengelyo qaxootinimo, iyagoo sheeganaya in ay Kenyaati yihiin;

(E) In la ogaado dadka isticmaala Jinsiyad dhalasho Kenyaati sax ah laakiin aysan lahayn ama dad kale leeyahay;

Heshiiskaan ayaa ka kooban Macluumaadkaas iyo kuwa kale oo fara badan, waxaana ku cad in qofkii lagu helo qodobadaas kore qaar ka mid ah iyo kuwa kaleba ay muteysanayaan ciqaabo kala duwan, sida in qaarkood lagala noqdo aqoonsiga qaxootinimo, in qaarkood waayaan xuquuqdii Jinsiyadda dalka Kenya, in qaarkood ay waayaan megengelyo caalamiya, sida in dib u dejin laga siiyo dal sadexaad ama dibadda loo qaado iyo waxyaabo kale.

Warbixin ay is dhaafsadeen Hay’adda UNHCR iyo dowladda Kenya xafiis u qaabilsan arrimaha qaxootiga ayay ku xuseen in baaritaankii ugu horeeyay ee ay wada sameeyeen ay ku wadaageen filasha dad 3000 qofood ka badan, kaas oo ay xuseen in natiijadii ka soo baxday ay noqotay in dad ka badan 1500 ama kala bar  dadkii qaxootiga isu diiwaan geliyay ee la tijaabiyey lana wadaagay macluumaadkooda ay ku guul dareysteen in loo aqoonsado qaxooti, markii ay ku dhaceen qodobada kor lagu soo sheegay iyo kuwa kale.

Nuqul ka mid ah heshiiska oo dhameys tiran kuna qoran luqadda English-ka halkaan ka aqriso.

HALKAAN RIIX NUQUL KA MID AH QAXOOTIGA SANADKII 2006-2010 DIBADA LOO QAADAY, DHALASHADOODA IYO WADAMADA QAATAY.

SomaliSwiss Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: