Ciidammo ka kala tirsan Booliiska iyo Nabad Sugidda dowladda oo Howlgal lagu xaqiijinayo Ammaanka ka fuliyeen degmada Huruwaay.

Howlgal aad u balaaran oo lagu xaqiijinayey Ammaanka degmada Hilwaa e gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabqabtay kooxo ka tirsan Maleeshiyada Al-Qaeda wuxuuna  howlgalkaas uu soconayay in ka badan Lix saacadood.

Sida lagu warramay waxaa Howlgalkan fuliyey Ciidammada Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidammo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed waxaana lagu soo qabqabtay dad badan oo isugu jira kuwo la tuhmayo iyo kuwo ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab/Al/Qaeda oo iyagu shacabka isku dhex qarinayey.

Sdoo kale Howlgalkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay inta u dhaxeysa Ex-Control Balcad iyo Suuqa Xoolaha sidaas waxaa Warbaahinta u xaqiijiyey Gudoomiyaha degmada.

Saraakiisha howlgalkan fulinaysay ayaa sheegeen  in dadka xaafadaha degan qaarkood kusoo wargeliyeen hay’adaha amniga iney xaafadaha kusoo bateen rag dhalinyaro ah oo aysan aqoon u laheyn sidaasna ay ciidammadu ku howlgaleen waxaana uu howlgalkan qeyb ka noqonayaa howlgallo baaxad leh oo mudooyinkanba  ay Ciidammada Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidammada kale ee Qalabka Sida ay ka wadeen xaafadaha magaalada Muqdisho,  taasi oo qeyb ka ah waxyaabaha horseeday isbedellada amni ee Caasimadda laga dareemay inuu soo hagaagayo.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@homail.com

%d bloggers like this: