R/wasaaraha Kenya oo sheegay in dowladdiisu sii wadi doonto dagaalka kooxaha Al-qaacida.

Ra‘isal wasaaraha dowladda Kenya Raila Odinga ayaa sheegay maanta in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-qaacidda ee ku sugan Soomaaliya wuxuuna ku gooddiyay in maalmaha soo socda ay xaqiijin doonaan gacan ku haynta magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Raila Odinga  oo waraysi siiyay wargays ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in dowladda Kenya ay qaadi doonto tallaabooyin lagu cirib tiraayo argagagxisada Soomaaliya iyado buu yiri aanu gacan siinayno ciidamada Soomaalida ee dagaalka ka wada Jobooyinka.

Sidoo kale Ra’isul wasaare Odinga wuxuu hoosta ka xariiqay in waqtiyada soo socda ay xaqiijin doonaan ciidamadooda gacan ku haynta magaalada Kismaayo halkaas oo wali ay ku sugan yihiin malleeshiyaadka al shabaabka al-qaa’idda isagoo wacad ku maray in ay ka saari doonaan.

Dowladda Kenya ayaa ka mid ah waddamada Africanka ah ee ciidamada u soo diray dalka Soomaaliya kuwaas oo ku howlgala magaca Ciidamada Amisom.

SomaliSwiss       Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: