Mohamed Farah oo markii labaad guul usoo hooyay Shacabka Somalia & Ingiriiska.

Mohamed Farah oo loogu naaneyso (Mo Farah) ayaa markii labaad guul taariikhi ah ka soo hooyay ciyaaraha Olympic-kada adduunka ee London 2012, kadib markii uu ku guuleystay horyaalka orodka 5,000 oo mitir. VIDEOGUUL SOMALIA IYO UK

Orodyahanka da’da yar ee asal ahaan ka soo jeeda wadanka Soomaaliya, laakiin heysta dhalashada Britain ayaa biladda dahabka ah ee uu caawa ku guuleystay, waxaa ay tahay tii labaad ee uu ka qaado orodyahanadii kale ee kula tartamayay garoonka London Olympic Stadium, iyadoo isla todobaadkii tagay uu isla garoonkaasi ku noqday horyaalka orodka 10,000 kun ee mitir.

Video of Brilliant Mohamed Farah surges to golden double

[blip.tv http://blip.tv/play/h5Nog4DKcAA width=”480″ height=”340″]

Guusha uu ku helay biladda dahabka waxaa ay ka dhigantahay in Great Britain ay sidaa ku heshay biladdii 27-naad ee dahabka ah ee ciyaaraha Olympic London 2012, guud ahaan marka la isku darana biladdaha ay Great Britain ka heshay ciyaarahaasi waxaa ay dhan yihiin 60 biladood oo nuuc walba iskugu jira.

Mo Farah ayaa biladda dahabka ah xaqiijiyay, kadib  markii wareegii ugu danbeeyay uu ugu jiiday orodyahannadii Ethiopia iyo Kenya, wuxuuna ku orday 13 daqiiqo iyo 41.66 ilbiriqsi.

Orodyahan u dhashay wadanka Ethiopia oo la yiraahdo Dejen Gebremeskel ayaa kaalinta labaad galay, isla markaana helay biladda qalinka ah, halka Thomas Longosiwa oo Kenyan ah uu biladda maarta ah helay,kadib markii uu kaalinta 3-aad cariirsaday.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: