Dalka Masar oo lagu maxkamadeynayo 13 qof oo Muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Maxkamad ku taal magaalada Alexandariya ee dalka Masar ayaa bilowday hegaysiga dacwadda lagu soo Oogay 13 qof oo  Muwaadiniin Soomaali ah, kuwaas oo loo haysto Eedaymo la xiriir inay si sharci dara ah ku galiyeen gudaha dalkaasi Masar Maandooriyaha oo ay Soomaalida si xooggan u isticmaasho Qaadka.

Sidoo kale Maxkamaddan ayaa shalay oo Jimca aheyd ku bilowday dhageysiga dacwad loo haystay 5 nin oo ka mid ah 13 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo loo cuskaday kiiska ah in ay soo galiyeen gudaha dalka Masar maandooriyaha loo yaqaano Qaadka oo sharciga Masar dhigayo in qofka lagu arko ganacsigiisa gudaha dalkaasi uu ka yahay dambiile.

Dhanka kale Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay in dadkan loo hayo caddeymo cad cad islamrkaana wuxuu ka dalbaday maxkamadda in ciqaab adag la marsiiyo raggan oo uu sheegay in ay marin ka dhigtaan ganacsiga Qaadka gudaha dalkaasi Masaarida.

SomaliSwiss         Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: