Dagaal Ceelasha Biyaha ku dhexmaray ciidamada xoogga dalka iyo kooxda Al-Shabaab.

Waxaa Xalay dagaal culus ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, dagaalkaas oo u  dhexeeyey ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa kooxda Al-Shabaab, waxaana ku dhintay ugu yaraan shan ruux oo ka mid ah dhinacyadii dagaallamayey.

Dagaalkan oo muddo kooban soconayey ayaa la sheegay in dagaalku uu billaabmay markii xoogagga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga deegaankaas iyo bar ay ciidamada dowladdu ku sugnaayeen.

Goobjooge ku sugna Ceelasha biyaha oo arrintaas uga halayey Warbaahinta wuxuu yiri:”Waxaan saakay aragnay maydadka shan ka mid ah dhincyadii dagaalamay, mana maqal wax khasaare ah oo gaaray dadka shacabka ah ee deegaankaas ku nool, gaar ahaan goobaha lagu dagaalamay.”

Dhinaca kale Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyay inuu dagaalku dhacay, balse waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse Al-shabaab oo ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay inay askar ka tirsan ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay dagaalkaas ku dishay.

Sarkaal u hadlay Xarakada Al-shabaab oo dagaalka hoggaaminayey ayaa sheegay in  Dagaalkan uu qayb ka ahaa weerarro  lala beegsanayo saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, wuxuuna Carab ku adkeeyey in dagaalku uu sii soconaayo.

Si kasta ha ahaatee Xaaladda deegaanka ayaa saakay daggan iyadoo dagaalka uu imaanayo xilli ay dadkii horay ugu soo barakay deegaankaas ay billaabeen inay dib ugu laabtaan, iyadoo dadku ay baqdin ka muujiyeen dagaalkii xalay dhacay.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: