Golaha Ammanka Qaramada Midoobay ayaa u digay kooxaha carqaladeenaya qorsha looga gudbayo maxlada kala guurka ah ee dalka Soomaaliya
War-mutiyadeed oo ay si wada jir ah u soo sareen 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in golahu uu uga digayo kooxaha ku howlan carqaladaynta xilliga kala guurka iyo geedi socodka Nabadda dalka Soomaliya.
War-murtiyeedkan oo ay soo qortay wakalada wararka AFP ayaa lagu sheegay in digniintan ay ku socoto kooxaha Ammandarida ka wada dalka Soomaliya oo ay ka mid tahay Xarakada Al Shabaab iyo kuwa kale ee an donaynin in dalka Somaliya laga hirgaliyo dowlad midnimo qaran oo hanata gacan ku heynta guud ahaan dalka.
Sida lagu caddeeyey War-murtiyeedka in Golaha Ammanka ay tallaabo dagdag ah ka qaadayaan kooxaha isku dayaya inay ka qeyb qataan, islamarkaana ay burburiyaan dadalada ladoonayo in lagu soo gaba gabeyo nidaamka Kumeelgaarka ah ee hada dalka ka jira.
Si kasta ha ahaatee War-murtiyeedkan ka soo baxay Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku soo begmaya xilli lagu wado in dalka Somaliya ay ka dhacdo 20-bisha August dorashada madaxtinimo ee hada diyaar garoowga Xoogan loogu jiro.
SomaliSwiss New York
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.