Degmada Balcad oo laga furay Xafiis Maxkamadeed oo hoosyimaada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Maamulka Cusub degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay in Degmada laga furay Xafiis hoosyimaada Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, si loogu maxkamadeeyo dadka gala denbiyada dagaalka.

Guddoomiyaha degmada Balacad Cismaan Max’ed Maxamuud Xaadoole oo u waramayay Warbaahinta ayaa sheegay in Magaaladaasi laga furay Xafiiska Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya.

Sidoo kale Mudane Cismaan Xaadoole ayaa sheegay in xafiiskan uu qaban doono howlo ay ka mid yihiin maxkamadeynta dadka falalka Amnidaro ka geysta guud ahaan gobolka Sh/dhexe gaar ahaana Magaalada Balacad, islamarkaana uu ka war qabi doono xaalada guud ee Ciidamada dowladda ee ku sugana gobolkan.

Dhanka kale hadalka maamulka degmada Balcad ayaa beegmaya xilli shalay guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Janaraal Xasan Max’ed Xuseen Mungaab uu tagay halkaasi, islamarkaana uu uga digay Ciidamada isugu jira Booliiska iyo Milatariga in isbaarooyin ay lacago sharcidaro ah ku qaataan ay dhigtaan wadada dhexaysa Muqdisho iyo Balcad, waxaana uu carabka ku adkeeyay in cidii lagu arko Falkaas laga qaadi doono tallaabo waafaqsan Sharciga Ciidamada.

. SomaliSwiss     Balcad

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: