Qarax xooggaan oo xalay lala beegsaday Maamulka Gobolka Sh/ dhexe oo ka dhashay khasaaro lixaad leh.

Gawaari Kolonyo ah oo galbineesay qaar ka tirsan maamulka dowlada Soomaaliya ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa waxa qarax miino lagula eegtay xalay xili ay marayeen afaafka hore ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ka dhashay khasaaro lixaad leh.

Khasaaraha ugu xoogan ayaa waxa uu yimid marka qaraxa lala helay gaari cabdibile ah oo la ciir ciirayay ciidamo tira badan oo ka tirsan ilaalada maamulka Shabeelada dhexe kuwaasi oo ku bas beelay qaraxa.

Sida lagu soo warramay Qaraxaan ayaa ahaa nuuca miinada ee laga hago meel fog ayaa loo maleenayey in ay saarnaayeen maamulka Shabeelada dhexe, gaar ahaan G/Xigeenka maamulkaas iyo afhayeenka Gobolka oo labadaba ka bad baaday qaraxa.

Daa’uud Xaaji Ciiro oo ah Afhayeenka Gobolka SH/Dhaxe ayaa sheegay in Gudoomiye ku-xigeenka SH/Dhaxe uu ka bad baaday isku day lagu qaarijin lahaa, balse nasdiib daro halkaas ay qasaarooyin ka soo gaareen Askar ka tirsan Ciidanka Dowlada iyo Saraakiil kale.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa Caddeeyay in Sadax Askari ay ku dhinteen Qaraxaas wuxuuna sheegay inay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka mid Taliye Ku-xigeenka Degmada Balcda Yuusuf Aabdi Cabdulle.

Warku wuxuu intaa uu ku daray in kadib markii uu qaraxaas dhacay waxaa durbadiiba guulo ka sheegatay xarakada Al-shabaab in qaraxa weerarkaasi ku qaarjisay ciidan tira badan iyo xubno ka tirsan maamulka Shabeelada dhexe ee Dowladda Soomalaiya.

Gawaarida Kolonyada ah oo galbineesay maamulka Shabeelada dhexe ayaa waxey u socdeen degmada Balcad ee gobolkaasi.

SomaliSwiss    Balcad

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: