Maxkamad ku taalla dalka Kenya oo 7 qof oo Soomaali ah ku xukuntay 20 sano.

Maxkamad ku talla dalka kenya ayaa waxay soo bandhigtay magacyada dad soomaali ah oo gaaraya 7 qof, kuwaas oo ay ku xukuntay 20 sano oo xarig ah.

Joyce Gandani oo ah Qaadiga maxkamadaas ayaa sheegay in 7 qof ee soomaalida ah ee la maxkamadeeyay ay soo qabteen ciidamada badda dowladda Denmark sanadkii 2009ka, kuwaas oo u gacan geliyay dowladda kenya , waxana xilliga la soo qabanayay ay damacsanaayeen inay qafaashaan doon galuumeysi oo Sri Lankan laga leeyahay.

Maxkamada ayaa caddeysay in 7da qof ee lagu xukumay 20ka sano ayaa waxaa lagu soo Eedeeyey Fal Burcad badeednimo waxay magacyadoodu kala yihiin, Barre Ali Farah, Abdi Mohammed, Ali Hussein Hassan, Abdulkarim Nur Shire, Bashir Mohammed Ehmi, Abdulrazak Abdullahi Ali iyo Abdulfaruk Hussein Ali.

Sidoo kale Qareenka u doodaya wiilashan soomaalida ee burcad badeednimada loo heysto ayaa sheegay in suurto gal aysan aheyn xukunkan oo ay racfaan ka qaadanayaan.

Dhanka kale sida la wada ogsoon yahay Sanadkii 2006da ayaa waxay dowladda kenya ku xukuntay soomaali loo heysto burcad badeednimo oo ay ku xukuntay 5 sano .

Si kasta ha ahaatee Dowladda kenya ayaa noqoneysa dowladdii ugu horeysay oo xukun sidan u dheer ku ridda burcad badeed soomaali ah

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: