Farmaajo oo si weyn u cambaareyey kuwii maleegay weerar Dhimasha iyo dhaawac sababay oo lagu qaaday maanta Taageera yaashiisa.

R/wasaarihi hore ee Soomaaliya,  Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falal toogasho iyo Dhibaateyn dhaawac ah oo maanta ay ku dhaqaaqeen ilaalada madaxtooyada oo rasaas ku furay maanta Shacab Soomaaliyeed oo dareenkooda mujinayay. HOOS KA FIIRI SAWIRKA TAAGEERAHA LADILAY.

Farmaajo oo goor dhow saxaafadda kula hadlay guriga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ayaa ka warramay dareenkiisa ku wajahan, in ladhibaateeyo taageerayaashii soo dhaweynayay, wuxuuna yiri;

“Marka ugu horeysa waxaan si weyn u salaamayaa  dhammaan umadda Soomaaliyeed, waxaana si gaar ah u salaamayaa una mahad celinayaa shacabka Soomaaliyeed ee reer Muqdisho  oo si weyn iiso dhaweeyay, isla markaana  ii muujiyay  taageero aad u weyn” ayuu yiri Farmaajo oo hadalkiisa ku sii daray;

Sawirkan waa waa wiilka dhintay. waxaana dilay Ciidamo ka amar qaata Sh.Shariif, gaar ahaan ilaalada madaxtooyada oo maanta rasaaseeyay Taagerayaasha Farmaajo.

“Marka xigta Waa nasiib daro in muwaadin Soomaaliyeed oo muujinaya dareenkiisa xabad lagu dhufto. Ma ahan wax Dimuqraadiyada iyo ra’yiga xorta ah ee Aadanuhu uu qabo, waxaana ugu baaqayaa xukuumadda hadda jirta inay baarto kiiska maanta dhacay ee dilka ah ayna maxkamad horkeento gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay” ayuu yiri Farmaajo.

Dr. Farmaajo oo lahadlayey saxaafadda ayaa ka shanqariyey inuu maqlay, warbixino sheegaya  in qaar ka mid ah madaxda sare ee DKMG Soomaaliya ay saxaafadda ku amreen inaan la sii deyn karin wararka ku saabsan musharax nimada Farmaajo iyo ololihiisa doorashadiisa ee ka bilaabanaya Muqdisho taasoo uu ku tilmaamay inay ceeb weyn ku tahay dawlada iyo madaxdeedaba.

“Waxaan ka codsanayaa qalabka warbaahinta iyo wariyaasha Soomaaliyeed inaysan ka cabsan hanjabaadaha loo jeedinayo ee la leeyahay ma siideyn kartaan ololaha Farmaajo, waxaad xaq u leedihiin wixii RUN ah  ee wadanka ka jira inaad sheegtaan” ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed C/laahi Farmaajo.

Ugu danbeyn farmaajo ayaa waxaa uu shegay in uu Muqdisho u yimid sidi uu uga qayb qadanlaha Dorashada Madaxtinimada Somalia waxana uu shegay in uu Rajo weyn ka qabo in uu ku gulaysan doono Hogaaminta Wadanka Somalia Sanadaha soo socda.

Farmaajo ayaa waxaa uu shegay in uu kalsooni buuxdo ka haysto Shacabka Somaliyeed iyo beesha calamka una ka saaridoono Somalia  dhimatada 22 sano jirsatay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: