Dibadbaxyo lagu soo dhaweynayo Dr.Farmaajo oo maalintii Labaad Muqdisho ka socda iyo madaxtooyada oo Dil iyo risaas ku jawaabtey.

Hal qof ayaa lagu dilay, mid kalena waa lagu dhaawacay markii askar ka tirsaneyd ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ay rasaas ku fureen dadweyne wadooyinka Muqdisho ku sameynayay dibad bax lagu soo dhoweynayey Maxamed C/llaahi Farmaajo, R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo maanta gaaray Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Rasaastaas lagu furay dibad baxayaasha Farmaajo ayaan wax isbedel ah iyo saameyn ku keenin banaanbaxayadii dadweynaha Muqdisho oo u muuqday iney halkooda ka sii socdaan iyadoo ay ku qeylinayaan ereyo ay ku soo dhoweynayaan R/Wasaarihii hore ee Farmaajo oo imaanshihiisa si weyn looga dareemayo magaalada Muqdisho.

 

Waxaa wadooyinaka magaalada Muqdisho badankood isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo dhigayay banaan bax aan waqtiyadaan magaalada lagu arag, iyadoo dibad baxaas soo dhoweynta ahaa ee dadweynaha uu ciriiri geliyay isku socodka wadooyinka qaarkood, sida wadada isku xirta garoonka Aadan cadde ilaa Maka Al-Mukarama oo ay dadku safnaayeen.

Dadweynahan ayaa ka soo dibad baxay xaafadaha kala duwan ee Muqdisho markii ay maqleen inuu magaalada imaanayo Dr.Farmaajo oo hadda ku sugan gudaha Muqdisho, waxaana khal khal iyo ciriiri xooggan galay socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada Maka Al-mukarama iyo qeybo kale oo ka mid ah caasimada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadweynaha isku soo baxay ayaa watay sawirada Farmaajo, waxayna kor u lulayaan sawirka Farmaajo iyo calanka Jamhuuriyada Soomaaliyed,  iyagoo sidoo kale lagu dhejiyey sawiradiisa gaadiidka magaalada dhex maraya qaarkood iyo Xaafadaha Magaaladaba.

Dibad baxyada maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa dad badan oo ka mid ah kuwa reer Muqdisho soo xusuusiyey kuwii sanad ka hor ka dhacay caalamka oo dhan iyo caasimadaba ee looga soo horjeeday inuu xilka ka dego Farmaajo.

Dr. Farmaajo oo ay gelbinayaan boqolaal gaadiid ah ayaa ku soo wareegay jidadka magaalada Muqdisho ee dadweynuhu ay isugu soo baxeen isagoo u gacan haatinaya shacabka, korna ka salaamayay,  inkastoo uusan la hadlin weli.

Maxamed C/llaahi Farmaajo oo saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka Aadan cadde ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu dib ugu soo laabto caasimadda Muqdisho, wuxuuna u mahad celiyey dadweynihii faraha badnaa ee soo dhoweyntiisa ka soo qeyb galay.

Farmaajo ayaa muujiyey welwelka uu ka qabo inaysan shaqaalaha dowladda badankood mushaar qaadan wuxuuna yiri “waxaan aad uga xumahay in shaqaalaha dowladda iyo ciidamada qalabka sida intaba aan muddo badan  la siin wax mushahaar ah, waxaan ugu baaqayaa xukuumada in sagaalka cisho ee ka dhiman bisha Ramadaan ay ku bixiso mushaharooyinka si dadkaasi aysan ciiddu ugu dhalan iyagoo an waxba heysan”.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: