Advertisements

Kooxda Al-Shabaab oo weerar ku dilay Guddoomiyihii dhowaan loo magacabay deegaanka NO-50.

Maleeshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ay xalay ku qaadeen deegaanka KM-50 ee gobolka Sh/hoose  waxaa ay ku dileen guddoomiyihii ay dowladda KMG ah u magacowday maalin ka hor deegaankaasi, kaasoo lagu magacaabi jiray, Cabdi Cali Xasan.

Saraakiil ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo ku sugan deegaanka NO-50 ayaa sheegay in lagu dilay guddoomiyihii loo magacaabay deegaankaas weerar gaadmo ah oo ay Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ka sameysteen deegaankaasi oo ay dhowaan qabsadeen.

Afhayeenka u halday Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sheikh C/casiis Abuu-Muscab oo dagaalkaasi faahfaahin ka bixiyay ayaa sheegay in weerarkaasi ay qaadeen ciidamada Al-Shabaab, isla markaana lagu dilay askar fara badan oo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM, waa sida uu sheegay.

Dhinaca kale afhayeenka Al-Shabaab ma uusan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalkaasi, waxaana dagaalkan uu qayb ka noqonayaa dagaallo ay Al-Shabaab la beegsanayso saldhigyada ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

SomaliSwiss Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: