Advertisements

Midawga Afrika oo sheegay in ay hawlgalka AMISOM ku bixiyeen 300-milyan Dollar, sadexdii sano ee tagtay.

Erastus Mwencha oo ah Gudoomiye ku xigeenka Uruka Midawga Afrika  ayaa shaaca ka qaaday in Sadexdii sanno ee la soo dhaafay uu Ururku ku bixinay hawlgalka ciidamada AMISOM lacag dhan 300 oo milyan oo Dollar, taasoo waxyaabaha lagu bixinay ay ka mid yihiin Mush-haarka ku ciidamada, iyo qalab ciidan oo ka mid ah Taangiyo iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca…”

Hase ahaatee Mr. Erastus Mwencha wuxuu sheegay in ciidamooda kusugan gudaha Soomaaliya ee AMISOM ay haysato xaalad dhaqaalo xumo ah oo aad u daran.

Gudoomiye ku xigeenka uruka midawga Africa Erastus Mwencha oo ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Mombasa ee wadanka kenya oo looga hadlayay amaanka gobolka ayaa waxaa uu sheegay inay la dhibban yihiin dhaqaalo la’aan heysata ciidamooda ku sugan gudaha Soomaaliya.

Erastus Mwencha waxaa uu sheegay in  Sanadihii la soo dhaafay uu midawga Africa  dhaqaalo badan ku bixiyay hawlgalka AMISOM wuxuuna intaa ku daray in wadamada beesha caalamka ay uga baahan yihiin inay dhaqaaloka helaan si loo sii wado hawlgalka amaanka lagu sugayo wuxuu xusay in ciidamada AMISOM ay isku fidiyeen deegaano ka fog  magaalada Muqdisha, balse haatan haysato dhaqaale xume, wuxuuna ka codsaday  Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Maraykanka iyo wadamada kale ee taageera inay dhaqalo la soo garaan ciidamada.

SomaliSwiss     Mombassa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: