Ciidamada Qaranka oo xaalad welwel iyo naxdin leh ku sugan, markii laga musuq maasuqay mushaarkii 8 Bilood oo lasoo dhaafay.

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo mudooyinkaan dadaal fara badan ugu jiray sidii ay gacanta ugu wada dhigi lahaayeen dalka oo dhan ayaa haatan ku sugan xaalad laga naxo oo wel wel badan, markii madaxda dowladda Soomaaliya ay iska halmaameen in ay daryeelaan.

Weriye yaal ka tirsan SomaliSwiss oo safar dhowaan Muqdisho ku tegay ayaa soo ogaaday in dhamaan ciidamada qalabka sida aan muddo 8 (Sideed) bilood ah lasiin wax mushaar ah iyo taakuleyn kale toona.

Saxafiyiinta SomaliSwiss oo wareysiyo kala duwan oo xaqiiqo raadin ah la yeeshay qaar ka mid ah, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo madaxda dowladda KMG ayaa loo xaqiijiyey inaysan ciidanku wax mushaar ah qaadan muddo sanad ku dhowaad ah.

Saddexda Masuul ee ugu sareysa hogaanka dalka Soomaaliya oo haatan u wada sharraxan madaxweyne nimo ayaa hore ugu ku wada eedeysnaa in ay musuq maasuqeen hanti fara badan oo Soomaaliya loogu deeqay iyo mid canshuuro looga aruuriyey, gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha, R/Wasaaraha iyo Gudoonka Baarlamaanka ayaa dhamaantood iska halmaamay oo waxaan jirin ka soo qaaday mushaarka ciidamada, inkastoo mid kasta oo iyaga ka mid ah uu meel ku xareystay dhaqaalo fara badan oo umaddu lahayd, hadana kama aysan xishoon in ay jeclaystaan mushaarkii ciidamada qaranka oo hal sano oo ina dhaafay dagaal joogto ah kula jiray urur weynaha AlQaacida, garabkiisa Al-shabaab, si ay uga xoreeyeen gobollada ay weli uga harsan yihiin dhulka Soomaaliya.

Laba Shariif iyo Gaas oo midkastaahi uu ku dhaartay inuu haysto lacag uu ku gato codka 275 xildhibaan, si loogu doorto madaxweyne nimo ayaa la xaqiijiyey in ay mushaarkii ciidamadu xaqa u lahaayeen intiisa badan u qaateen wax lagu macneeyay (Transportation) diyaarado raacis, iyadoo dukumiintiyo ay saxiixeen 3-daas nin ay cadeynayaan in ay ku heshiiyeen in ay maalintii qasnadda dowladda kala baxaan lacag ay sheegeen in ay u qorsheeyeen  kirada diyaarado khaas ah oo ay dibadaha u kireystaan, taas oo ay isla saxiixdeen in ay maalintii meel u dhigaan $11,000 Doollarka Mareykanka ah .

Dukumiintiyo kala duwan oo ay heshay SomaliSwiss ayaa muujinaya in ay saddexda masuul ee kala ah Shariif sh. Axmed, shariif Sakiin iyo C/Weli gaas ku heshiiyeen in ay bishii lacag diyaarad raac ah u qaataan $330,000 (Saddex boqol iyo soddon kun Doollar) oo u dhiganta $11,000 maalintii, taas oo ay si joogta ah ugala baxaan qasnadda bankiga dhexe, wixii canshuur ah ee ku soo dhaca, iyagoo sidoo kalena dallaca lacag intaas ka badan oo isugu jirta shidaal, dayac tir iyo iyo hagaajinta baabuurta ay ku socdaan, taas oo ka dhigan in hal maalin lacagaha ay been beenta ku qaataan ay muddo bil ah mushaar ugu filan tahay ciidanka qalabka sida ee dhiigooda u huraya sidii ay dalka u difaaci lahaayeen.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.co

%d bloggers like this: