Advertisements

Afhayeenka AMISOM oo sheegay in ay magaalada Muqdisho ka howl geli doonaan Booliis ka socda Midowga Afrika.

Col. Cali Aadan Xaamud oo ah  Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay inay Muqdisho soo gaareen ciidammo booliis ah oo hoos imaanaya AMISOM, kuwaasoo kala shaqeyn doona booliiska Soomaalida sidii lagu xaqiijin lahaa ammaanka magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay inay ciidamadan si aad ah u shaqeyn doonaan marka ay billowdaan doorashooyinka madaxda sare ee baarlamaanka, isagoo xusay inay aad isugu xiran yihiin ciidamada Soomaalida ayna ka hortegi doonaan isku-day walba oo lagu arbushayo doorashooyinka.

Col. Xaamud oo ka hadlayey wuxuu yiri: “Dadaal badan ayaa socda waxaana ciidamada booliiska ee Afrika ka socda ay ka howgeli doonaan saldhigyada Muqdisho, waa laga yaabaa inay wax yar dhacaan, balse ciidammadu dadaal badan ayay muujinayaan.”

Si kasta ha ahaatee Taliyaha ciidamada booliiska DKMG ah ee Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye ayaa soo dhaweeyay booliiska AMISOM ee ka howlgalaya Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay fursad weyn oo gacan ka geysan karta nabadeynta caasimadda dalka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: