Shir looga hadlayay xuquuqda iyo Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shir looga hadlayay Shir looga hadlayay xuquuqdooda iyo Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxana ujeedadiisu ahayd sidii ay  haweenka Soomaliyeed  ay u hanan lahaayeen Boqolkiiba Sodon xukunka dalka.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen xubno ka socday qaar ka mid ah ururada Haweenka ee ka jira dalka iyo kuwo ka yimid dalka dibadiisa ayaa looga hadlay kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed ka qaadan karaan hoggaanka dalka iyo sidii ay u heli lahaayeenn qeybtooda oo ah 30% sida ku xusan Dastuurka cusub ee dhawaan la ansixiyay.

Sidoo kale Haweenku waxay ka dhawaajiyeen oo ay is tuseen in ay kaalin wanaagsan ka qaadan karaa siyaasadda, arrimaha bulshada iyo guud ahaan horumarka dalka sidaasi darteedka ay diyaar u yihiin in ay ka soo dhalaalaan kaaalintooda.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: