ABWAAN MUSTAF SH. CILMI: Soomaliyeey taladiinu DILA docna uma dhaafsanee, hadduu Dowlad sheega dila, kii Diin wadana dila, kii Sajuuda ku daaho dila…

Soomaliyeey taladiina DILA, Docnaba uma dhaafsanee, Waxaad aragtaanba dila, Miyaa dawo lagu helaa, Ninkii hore aado dila, Hadduu dib u harana dila, Hadduu doc u leexdo dila, Hadduu dowlad sheego dila, Hadduu diin wadana dila, Sajuudda ku daaha dila.   DAAWO VIDEO & QORAAL

 

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA ABWAAN MUSTAFE

DILA ( Maanso) Abwaan Mustafe Sheikh Cilmi:

 —————————————-

Soomaliyeey taladiina DILA,

Docnaba uma dhaafsanee,

Waxaad aragtaanba dila,

Miyaa dawo lagu helaa,

 ——————————-

Ninkii hore aado dila,

Hadduu dib u harana dila,

Hadduu doc u leexdo dila,

Hadduu dowlad sheego dila,

Hadduu diin wadana dila,

Sajuudda ku daaha dila,

Ka dara oo xishoodka dila,

Dumarka dhulka xaaqi dila,

Ardada iskuulaadka dila,

Islaan canug duudsan dila,

Middii dihaneysa dila,

Horeba waa loo dilee,

Ninkii duunyo heysta dila,

Hadduu dibjir yahayna dila,

Hadduu daarta korana dila,

Hadduu soo degana dila,

Hadduu duub yahayna dila,

Hadduu doctor yahayna dila,

Midkii wax daweeya dila,

Wixii wax ogaada dila,

Intaan wax ogeyna dila,

Ogaalka naftiisa dila,

Si aan waxba loo ogaan.

 ———————————-

Hadaad sidaas doorateen,

Is dila isdaayaa ka wacan,

Dagaalka aad sii wadaan,

Dadku waa dhamaanayaa,

Dalkuna waa wareegayaa,

Waxaana soo dagi dad kale,

Digniin idin siiyayoo,

Dardaaranna iima harin,

Haddiise aad diidan tihiin,

Waxaad aragtaanba dila,

Xitaa idinkoo dhan is dila.

 ————————————

Foojignaan: Xuquuqda geeraarkaan waxaa ay u dhowran tahay Abwaan Mustafe Sheikh Cilmi iyo buuggiisa cusub ee: DAL MASIIBO DABBAASHAY, DAREEN HOOY U AHAADAY, oo maansadani kamid tahay maansooyin iyo sheekooyin dhab ah oo uu abwaanku u soo joogay ay ku qoran yihiin.

HALKAN KA DAAWO MAGACYADA SHIIKHYADA MAANTA IYO SHAQADOODA

DAAWO ABWAAN MUSTAF SHEIKH CILMI

SomaliSwiss@hotmail.com

OTHER RELATED VIDEOS

DAAWO SAMIIRA NAAJI & XUSEEN CARAB

DAAWO SHEEKO GAABANBIRTAAN CANTUUG WAAD CAAFIMAADEYSAA

DAAWO HARGEYSA & SAHRA ILEYS

HALKAAN KA DAAWO HEESAHA IQRA

HALKAAN KA DAAWO SHEEKO QOSOL BADAN

Marshaale & Ajakis Sheeko gaaban – Somalida UK

SHEEKO GAABAN: SOO QARXI.

Sheeko Gaaban: Abooto Kutubey 2012.

DAAWO MUUQAALO KALE OO XIISO BADAN

DAAWO: Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Shiinaha oo wacdaro layaab leh ka muujiyey tartan dhaqameed lagu qabtey dalka China.

Daawo (Xusuusta Hoballadii Waaberi Original 1974) Samatar, Saado, Nakruuma, Axmed Naaji iyo …

DAAWO HOBOLADII WAABERI OO WACDARO LAYAAB LEH ISU DHIGAYA KALIGOOD.

Xulkii Heesaha Cumar Cabdulle Shoolli (1980)

Xulkii Heesaha Faaduma Duur & Kuluc ee 1987.

%d bloggers like this: