Madaxweyne Shariif oo Xalay casho Sharaf u sameeyey Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida Ee Soomaaliya Iyo Kuwa AMISOM.

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada magaalada Muqdisho casho sharaf ugu sameeyey Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka ee Soomaaliya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna munaasabaddaas ay qeyb ka ahayd  dabaaldeggii sanad guuradii Koobaad ee laga saaray Muqdisho Xarakada Al-Shabaab.

Sida lagu soo warramay Casho Sharaftan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa  Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/samad Macalin Maxamuud waxaana kasoo qeybgalay Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka iyo Booliiska Soomaaliyeed, Agaasime Kuxigeenka Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka iyo Taliyeyaasha Ciidammada AMISOM.

Waxaa Munaasabaddaas khudbado kooban ka jeediyey Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka iyo Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo General Shariif Sheekhunaa Maye waxayna  shacabka Muqdisho ugu hambalyeeyey sanad guuradii Koobaad ee kasoo wareegatay markii ay caasimadda ka xorowday gacanta Maleeshiyada Al-Shabaab.

Waxaa kaloo halkaas ka hadalay Saraakiil ka tirsan Ciidammada Midowga Afrika sidoo kale waxay shacabka reer Muqdisho ugu hambalyeeyey sanad guuradan iminka loo dabaal degayo waxayna ay u rajeeyeen in sanadka soo socda sidaan iyo si ka wanaagsan loo wada dabaal dego .

Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise iyo  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/samad Macalin Maxamuud oo iyaguna halkaas khudbado ka jeediyeen ayaa faah faahin ka bixiyeen mudadii sanadka aheyd ee ay Muqdisho xor ka tahay Maleeshiyada Al-Qaeda sida ay hay’adaha ammaanka ugu istaageen iney sugaan ammaanka Caasimadda ilaa iyo hadana ay ugu taagan yihiin mar walba in amni buuxo ay dhaliyaan.

Ugu danbeyntii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa munaasabaddaas khudbad ka jeediyey wuxuuna munaasabaddaas ku tilmaamay iney tahay mid qeyb ka ah farxadda ay dadka reer Muqdisho ay xornimadooda ugu dabaal degayaan.

Sidoo kale Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata wuxuu xusay in Al-Shabaab iyo Al-Qaeda lala galay dagaal aad u adag hadii aanay dagaalkaasi lala geli laheynna Muqdisho ma xoroowdeen,shacabka Soomaaliyeedna laga doonayo iney fahmaan muhiimadda ay leeyihiin Ciidammada AMISOM, wuxuuna Madaxweynuhu uu caddeeyey in shacabka Soomaaliyeed ay maanta 95% taageersan yihiin joogitaanka Ciidammada AMISOM taasina ay ugu wacantahay fahamka ay fahmeen shacabku ujeedada Ciidammada Midowga Afrika Soomaaliya uga howlgalayaan.

Dhanka kale MadaxweynahaDowladda KMG Soomaaliya ayaa khudbadiisa sidoo kale kusoo hadal qaaday marxaladaha siyaasadeed halka ay marayaan waxaana uu tilmaamay in waxbadan oo guullo ah la gaaray kuwaasi oo ay ugu horeeyaan sugidda nabad gelyada,ansixinta dastuurka,xulida baarlamaankana ay hada meel gebogebo ah mareyso oo dhowaan ay dalka ka dhici doonto doorasho xor ah.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyntii muujiyey rajadiisa ku aadan inuu ku guuleysto doorashada soo socota si’uu u dhameystiro howlaha hada ay dadaalladoodu socdaan waxaana uu Saraakiisha Ciidammada kula dardaarmay ineysan halgankooda saameyn ku yeelan siyaasadda iyo howlaha doorashada oo inta arimahaasi ay socdaan ay iyaguna Al-Shabaab iyo Al-Qaeda dalka kasii xoreeyaan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: