Dowladda Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay Saraakiil ciidamada Cirka ah iyo Diyaarado dagaal.

Madaxweynaha dowladda Uganda Yuweri Museveni ayaa shaaca ka qaadday in wadanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ay usoo direen Saraakiil dhinaca Difaaca Cirka ah iyo diyaarado dagaal.

Saraakiishan oo qaarkoodba iminka ay soo gaareen Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay si gaar ah u ilaalinayaan goobaha Doorashada Madaxweynaha  Soomaaliya ay ka dhacayso Labaatanka Bishan Ogos.

Saraakiishan Difaaca dhinaca cirka ayaa waxaa ay dusha sare ka eegi doonaan  Goobta ay ka dhici doonto Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya kuwaasoo adeegsanaya Diyaradaha Dagaalka ee Qaramada Midoobay ay leedahay gaar ahaana kuwa loo yaqaano helicoptariska.

Saraakiil u hadashay Saraakiishaas oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Difaaca Cirka ee Dalka Ugandha ayaa sheegey in ujeedadoodu ay tahay sidii Soomaaliya ay mar uun uga bixi lahayd ku meel gaarnimada isla markaana doorashadu ugu dhici lahayd si Nabadgelya ah.

Gen. Andarogima oo ka hadlayay imaatinka Ciidamadaas ee magaalada Muqdisho in ay tahay sidii amisom ay ugu guulaysan lahayd Sugidda ammaanka goobaha ay Doorashadu ka dhacayso taasoo la doonayo in ammaankeeda la sugo goobtaas.

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Dalka Ugandha ayaa isaguna ka hadlay Saraakiishan loo soo diray Soomaaliya kuwaasoo uu sheegay in ay ka qayb galayaan hawlaha ammaanka ee  lagu doonayo in lagu sugo inta lagu guda jiro Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Generaalka ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumaddiisu ay bar bar taagan tahay sidii Soomaaliya ay uga dhalan lahayd dawlad ugana bixi lahayd ku meel gaarnimada.

Dawladda Ugandha ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamada ugu badan ee qaybta ka ah AMISOM taasoo mas’uuliyiinta Dalkaasina ay hore u sheegeen in aysan Ciidamadooda Soomaaliya kala bixi doonin illaa ay Cagaheeda isku taagto.

Si kastaba waxaa si weyn iminka la isgu diyaarinayaa sidii Bisha Ogos Labaatankeeda ay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay uga dhici lahayd gudaha magaalada Muqdisho taasoo iminka ay ka harsan yihiin maalmo yer oo kooban.

SomaliSwiss Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

 

%d bloggers like this: