Magaalad Muqdisho oo maanta laga sameeyey bannaanbax ballaaraan oo lagu xusayo 6-da Agosto.

Waxaa maanta laga dhigay magaalada Muqdisho bannaanbax ballaaran oo lagu xusayo 6-da Agost oo ah maalintii Xarakada Al-shabaab laga saaray Muqdisho sanad ka hor.

Sida ay qalabka Warbaahin (Mass media) ay ku soo warramayaan waxaa maanta isu soo baxay dadweyne aad u farabadan oo ay horkacayaan kooxda Muusikada Baambeyda oo ka qeyb qaadannaya dibadbaxaasi ayaa socod ku maraya waddooyinka waaweyn ee Muqdisho iyagoo ruxaya Calanka qaranka Soomaaliya isla markaanna wata boorar ay ku qoranyihiin halku dhigyo muujinaya dhibaataada, burburka iiyo barakaca ay shabaabku u geysteen shacabka Muqdisho.

Sidoo kale waxaa lagu arkayey Dadweyne aad u faradan ayaa ku sii qulqulaya garoonka Kubbadda Cagta Banaadir ee Degmada C/casiis iyadoo inta badan dadweynahaasi lagu daadgureeynayo Gaadiid farabadan oo ka keenaya xaafado ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana la filaayaa in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay halkaasi kula hadlaan.

Dhanka kale Maanta oo kale sanad ka hor ayey aheyd markii xarakada Al-shabaab laga saaray magaalada Muqdisho, kadibna ay dib ugu soo labteen guryahoodii dadkii ay barakiciyeen, waxaana dib u soo noolaaday adeegyadii bulshada, Sidaas darteed shacabka Muqdisho, waxay maanta u dabbaaldegayaan guusha ay ciidamadu ka soo hooyeen howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: