Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo ku baaqay in gargaar degdeg ah lala soo gaaro dadka ku nool Deegaanadii ugu danbeeyay ee laga xureeyay Al-shabaab.

Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliya Gen. C/kariin Yuusuf Aadan “Dhega-badan” ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka inay gargaar degdeg ah la soo gaaraan dadka ku nool Deegaanadii ugu danbeeyay ee laga xureeyay Al-shabaab.

Dhaga badan oo ka hadlayey dad ku tabaaleysan goobihii uga danbeeyey ee ay ka saareen Al-Shabaab wuxuu yiri: “Marnaba ma istaagi doono howlgalka aanu wadno, balse waxaan muhiimada siinaynaa u gargaarida dadka ku dhibaateysan deeganada aan ka xureynay Shabaabka..”

Sidoo kale Generaal Dhagabadan ayaa wuxuu tilmaamay in dadka ku sugan deeganadaasi ay haysato xaalado adag oo dhanka nolosha ah ayna doonayaan in la caawiyo,qorshana uu yahay in si deg deg ah wax loo gaarsiiyo.

Dhegabadan ayaa sheegay in howlgalka aanu istaagi doonin balse wuxuu caddeeyey in muhiimada ay siinayaan u gargaarida dadka dhibaateysan ee ku sugan deeganada ay ka xureeyeen Shabaabka.

Si kasta ha ahaatee Abaanduulaha wuxuu ku eedeeyay kooxda Al-shabaab in bililiqo baahsan ay ka geysteen deehaanka No 50 markii ay ka baxayeen waxaana uu sheegay in Saddex Matoor oo soo saari jiray Biyaha ay horay uga qaateen.

Ugu danbeyntii Abaanduuluhu wuxuu tilmaamay hadaan dadkaasi cuno iyo Biyo lala soo gaarin inay qatar ugu jiraan inay u geeriyoodaaan Gaajo iyo Haraad, waxaana uu ugu baaqay in shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha inay soo gargaaraan dadkaasi.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: