Madaxweyne Shariif oo maanta Shirqool Afgambi ah uga badbaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha KMG Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa isaga baxay Shirkii Maanta ee saxiixayaasha Roadmap-ka ee ka soconayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, warar hoose oo ay heshay SomaliSwiss ayaa sheegay in ay kadambeysay arinkaasi kadib markii ladamcay in shirka dibadda looga saaro wakiilkii rasmiga ahaa ee Ahlu Sunna C/qaadir Macallin Nuur oo isagu ahaa ninkii horay u saxiixay qorshaha nabadda ee Soomaaliya ee loo yaqaan Roadmap-ka. XOG HOOSE IYO VIDEO HOOS KA DAAWO

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA GOOBTA LOOGA SAARAYAY

[blip.tv http://blip.tv/play/h5Nogv_6UQA width=”480″ height=”340″]

Kooxaha isbaheystay ee arinkan kadambeeyay ayaa lasheegay in ay kala ahaayeen Ra’isal wasaare C/wali Gaas, Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sheikh Aadan, Madaxweyne goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole iyo Madaxweyne goboleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin, kuwaas oo iyagu goobta soo fariisiyeen nin cusub oo lagu magacaabo Sh. Aw-Libaax oo ay ku sheegeen in uu yahay ninka sida rasmiga ah u matalaya Ahlu Sunna Waljamaaca.

Shirkan oo u muuqanayay kii ugu dambeeyay ee ay isugu imaan lahaayen saxiixayaasha  qorshaha nabadda ee Soomaaliya ayaa waxaa si weyn u hareeyay qilaafyo kala duwan oo ku aadan in afgambi lagu sameeyo madaxweyne Shariif iyo madaxdii ay isku fikrada ahaayeen, taasoo sida lasheegay ay kadambeeyeen, Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augutine Mahiga, RW. C/weli Gaas, G/Baarlamanka Shariif Xasan, Madaxweynaha Puntland Faroole iyo Madaxweynaha Galmudug Caalin.

Ugu dambeyntii madaxweyne Shariif ayaa dareemay in qorshahan horay loo soo abaabulay, isla markaana ladoonayo isaga meel cidla ah kaligiis wixii ladoono looga saxiixo, balse Sheikh Shariif ayaa arinkaasi isla markiiba ka carooday oo yiri meesha khayaana looma joogo ee nagu kala wada, isla markiina isaga baxay goobtii Shirka, una dhoofay magaalada Muqdisho.

Wakiilka QM ee Soomaaliya Augustine Mahiga oo wax laga weydiiyay ka bixida shirka maantay ee Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa ku sheegay mid aan laxiriirin qilaaf dhanka shirka ah, balse ku tilmaamay Madaxeynaha howlo shaqo darteed uu si deg deg ah ugu aaday magaalada Muqdisho.

SomaiSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: