Madaxweyne Shariif oo isaga baxay shirkii Roadmap-ka, kadib markii RW, Gaas iyo madaxweyne Caalin ay diideen ay soo fariistaan madasha.

Warar xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, uu si caro leh uga baxay shir ay ahayd in ay fariistaan saxiixayssha qorshaha nabadda ee Soomaaliya ee loo yaqaan Roadmap. XOG HOOSE

Sida aanu warka ku helnay waxaa goobta laysugu imaanayay kusoo hormaray madaxweyne Shariif iyo Wakiilka Ahlu Suna C/qaadir Macallin Nuur oo iyagu madashii shirka sii fariistay, cabaar marki ay fadhiyeen ayaa Sheikh Shariif waxaa lagu soo wargeliyay in Ra’isal-wasaare Cabdiweli, iyo Madaxweyne goboleedka Galmudug, Mr. Caalin in ay diideen in ay shirka soo fariistaan taasoo dhalisay in madaxweyne Shariif uu si caro leh uga koco fadhiga, isla markaana u aado garoonka dayaaradaha Nairobi, una dhoofo magaalada Muqdisho.

Lama oga illaa iyo iminka sababaha ay shirka usoo fariisan waayeen RW. C/weli Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug, balse warar kale oo xog hoose ah ayaa sheegaya in uu khilaafkan salka ku hayo madaxweynaha cusub ee Galmudug State ee dhowaan loo doortay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Si kasta ha ahaatee wixii kusoo kordha khilaafkan cusub ee iminka soo ifbaxay dib ayaanu idinkala socod siin doonaa, hadii Eebe Idmo.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: