Advertisements

XUSUUSTA MAANTA OO KALE 2010: Al-Shabaab oo Muqdisho ku laayey Haween howlo nadaafadeed ka waday Boondheere.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

Waxaa saaka qarax miino oo dhulka lagu aasay lala beegsaday Haween ku howlanaa in ay nadiifiyaan wadada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa aya ahaa mid culus oo laga maqlayay degmada Boondheere, kaasoo sida lasheegay ahaa miinada lagu aaso dhulka ee meelaha fog laga hago, balse ilaa hadda lama oga cida qaraxa la beegsatay haweenkan.

Laba kamid ah haweenkii nadiifinayey wadad Daljirka Daahsoon ayaa ku dhintay halka ilaa iyo 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha degmada Boondheere Cabdulaahi Xirsi Istakiin  ayaa waxaa uu saxaafada u sheegay in ay ciidanka dowladda KMG ay dileen ninka dhigay miinada ka dibna qarxiyey, gudoomiyaha  ayaa waxaa uu saxaafada tusay qalab uu ku sheegay in uu ahaa midkii loo isticmaalay qarxinta miinada lagu dilay haweenka, waa sida uu isagu sheegtay.

Waxaa sheegtay masuuliyadda qaraxaan xarakada Al-shabab oo dafirtay in ay laayeen dumar, balse ku tilmaamay Askaar Amisom in ay ahaayeen waxa ay laayeen.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale dilal bareer ah lagu laayaa Saraakiishii hore ee ka tirsanaa ciidankii xoogga dalka Soomaaliya, Dhakhaatiir iyo Aqoon yahano magac ku leh bulshada oo aan iyagu cidna taageerin xiligaan kooxaha ku dagaalamaya dalka Soomaaliya, waxaana dilalkaas intooda badan fuliya xarakada Al-Shabaab, halka ay jiraan dhinacyo kale oo iyaguna ka qeyb qaata dilalka qorsheysan..

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: