Mohamed Farah oo guul usoo hoyay Somalia iyo United Kingdon, kadib markii uu ku guuleystay Billadda dahabka ee Orodka 10,000M.

Mohamed Farax ayaa ku guulaystay billadda dahabka ee ciyaaraha Olombikada Caalamka ee London Olypic 2012, kadib markii uu Afka ciida u daray orodyahankii wadanka Ethiopia ee isugu horay u haystay orodkaasi, isagoo markaana horey u haystey billada dahabka orodada tobanka kun ee caalamka. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA IYO VIDEO

Mo Farah ayaa ku ordaya magaca dalka Ingiriiska, balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya, waxaana uu haatan ku guulaystay orodka 10,000M, wuxuuna calaamada guusha ku tagay 27 daqiiqo iyo 30 seconds, waxaana u suura gashay in uu si fudud ku dhaafo orodyahankii dalka Ethiopia Tariku Bekele iyo dadkii kale ee la tartamayay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO KA OOHIYAY ETHIOPIAN-KA

[blip.tv http://blip.tv/play/h5Nogv_xewA width=”480″ height=”340″]

Mo Faarax ayaa ka farxiyay kumanaan taageerayaashiisa oo isugu jira Soomaali iyo Ingiriis oo ku sugnaa garoonka lagu qabtay orodkaas iyo dhammaan wadanka UK iyo Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si aad ah ugu farxay Mohamed Farah caawa Guusha uu usoo hoyay umada Soomaaliyeed iyo tan Ingiriiska, taas oo u dhiganta guul laba geesood ah.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: