Advertisements

Hillary Clinton oo ciidamada Amisom ku wareejisay 12 Diyaaradood oo kuwa duuliye la’aanta ah.

Wasiiradda arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton oo booqasho ku mareysa qaaradda Afrika ayaa maanta guddoonsisay dowladda dalka Uganda 12-diyaaradood oo nooca aan duuliyaha laheyn ah kuwaas oo loogu talo galay in ciidamada AMISOM ee ka howlgala gudaha Soomaaliya ay ku ugaarsadaan horjoogayaasha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya  gudaha dalka. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Diyaaradahan oo lagu magacaabo “Raven unmanned aircraft” ayaa Hilary Cilinton ku guddoonsiisay ciidamada Uganda munaasabad ka dhacday dugsiga Ciidamada Kasenyi oo qiyaastii 40 k.m u jirta caasimadda Uganda ee Kampala.

Sarkaalka ugu sarreeya ciidamada Uganda oo diyaaradahan la guddoonsiyey ayaa wuxuu mahad celin u soo jeediyey Dowladda Mareykanka, wuxuuna sheegay in diyaaradahan ay wax weyn ka tari doonaan la dagaalanka argagixisada ku sugan dalka Soomaaliya.

Sida la wada ogsoon yahay Dowladda Mareykanka ayaa waxay gudaha Soomaaliya ay horay  ugu dishay horjoogayaal Aja anib ah oo ka tirsan Alqaacidda kuwaas oo dilkooda loo adeegsaday diyaaraaha aan cidna wadin.

Si kasta ha ahaatee 12-kan diyaaradood ayaa la filayaa in ay gacan weyn ka geystaan howlgallada dalka looga xoreynayo malleeshiyaadka iyo horjoogayaasha Alqaacidda ee dhibaatada ku haya ummadda Soomaaliyeed.

SomaliSwiss   Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: