Advertisements

Ciidanka dowladda oo maanta soo bandigay Meydadka malleeshiyaad ay ku dileen Degmada Qansaxdheere.

Ciidmada Xoogga D. Soomaaliya  ee ku sugan degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ay laayeen malleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan shabaab kuwaas oo xalay soo weeraray bar kontorool oo ay ciidamadu ku lahaayeen halka laga galo magaaladaas.

Sidoo kale waxay  Ciidamadu soo bandhigeen Meydadka Lix ka mid ah malleeshiyaadka Al-shabaab iyo horjoogihii watay oo weerar ku soo qaaday barta kontorool ayaa saaka dadka deegaan ku daawanayeen halkii xalay dagaalka ka dhacay kuwaas oo ay dileen ciidamada XDS, warkan ayaa waxaa u xaqiijiyay Warbaahinta guddoomiyaha degmadaas Mudane Aadan Cabdi Aadan.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka in Horjoogaha lagu dilay Qansax dheere oo lagu magacaabo Maxamed Isaaq Uburow uu ku dhashay degmadaas, wuxuuna hore uga mid ahaa ciidamadii booliiska intii ay jirtay dowladdii hore ee Siyaad Barre, muddadii burburka uu jirayna ka hor inta uusan shabaab ku biirin waxa uu nabaddoon u ahaa beeshiisa oo degta degmadaasi, isagoo magac iyo maamuusba ku dhex lahaa dadka reer Qabsaxdheere ayuu haddana markii uu ku biiray shabaab waxa uu dhibaato weyn u geystay dadka deegaanka nasiib darase saaka waxaa meydkiisa laga celcelinayaa dadka deegaanka oo doonaya in ay ku jiidaan waddooyinka laakiin ciidamada ayaa u diiddan in meydka loola dhaqmo si ka baxsan bani’aaddanimada.

Sida la rumeysan yahay ee muuqata in  horjoogayaasha iyo malleeshiyaadka Al- shabaab ay ka soo baxday  cuquubada ka dhalatay xadgudabyadii ay u geeysteen ummadda Soomaaliyeed tabardarrida soo wajahday kooxda ka sokow ma jirto meel ay gabbaad ka helayaan ama cid megengelyo siineysa, waayo hore uma soo dhaweysan shacabka abaalna uma aysan u gelin,

SomaliSwiss   Qasaxdheere

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: