Soomaaliya Ha guuleysato daqiiqadaha iyo Saacadaha soo socda ee maanta.

Ciyaaraha orodka ah ee olonbikada aduunka UK ayaa maanta si rasmi ah waxay kaga furmayaan magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska, iyadoo ay qayb ka yihiin ciyaarahaasi ciyaaryahanada Soomaaliyeed ee Mohamed Xasan iyo Samsam Mohamed.

Samsam Maxamed Faarax waxay ordi doontaa oradka Woman’s 400m, saacada  wadanka ingiriisku marka ay tahay 12:00 Duhurnimo halka Soomaaliyana ay ka tahay 2:00 ama 3:00 Duhurnimo.

Samsam ayaa ciyaarahaan ka muujisay rajo wanaagsan in ay ka keeni karto, waxayna sheegtay in ay u baahantahay in ay calanka Soomaaliya iyadoo huwan ay gasho kaalin wanaagsan.

Maxamed Xasan ayaa wuxuu ordi doonaa Arodka Men’s 1500m,  xiliga Saacada London marka ay tahay 08:00 Fiidnimo, Soomaaliyana ay tahay 10:00 ama 11:00 Habeenimo.

Mo-Faarax oo ah orodyahan Soomaaliyeed una ordaya Dalka Ingiriiska ayaa kulan la qaatay Orodyahanada Soomaaliya u matalaya Ciyaaraha maanta London ka furmaya, isagoo ku caawiyey, isla markaana kala taliyay inta khibradiisa ah arrimo ku saabsan xeeladaha iyo qaabka loo ordo iyo sida lagu guuleysan karo.

Waxaan rajeynayna in Soomaaliya ay guuleysan doonto, labadeenna ciyaar yahanna ay natiijo wanaagsan ka keeni doonaan ciyaaraha caalamig ah ee ka soconaya magaalada London ee xarunta dalka UK.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: