Madaxweyne Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo oo caawa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa caawa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu berri ka furmi doono shir ay goobjoog ka tahay Hillary Clinton oo looga hadlayo xaaladda waddanka Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Madaxweynaha ayaa Nairobi kula kulmaya xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka Helery Cilinton iyo masuuliyiin kale oo ka socota beesha caalamka, waxaana shirka diiradda lagu saari doonaa marxaladda cusub ee ay Soomaaliya galayso iyo kaalinta ay ku yeelan karto beesha caalamku.

Shir jaraa’id oo uu madaxweynuhu ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in shirka ay ka qeyb galayaan hoggaamiyeyaasha maamullada dalka ka jira sida Puntland, Galmudug iyo ASWJ.

Madaxweynaha Soomaliya mudane shariif sh. Axmed wuxuu kulan la yeeshay wasiiradda arrimaha gudaha ee dalka Shishilis iyo Waiisirka gaashaandhiga dalka Kenya Yusuf Haji iyo Jeef Morgan.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha mudane C/samad Macalin Maxamuud, C/qaadir Macalin Nuur oo ka tirsan hoggaanka ASWJ iyo masuuliyiin kale.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: