Hillary Clinton oo sheegtay in Madaxweyne Obama iyo shacabka Mareykanku u hambalyeynayaan Soomaalida.

Hillary Clinton, Xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa soo dhoweysay ansixintii dastuurka cusub ee Soomaaliya, isla markaana sheegtay in ay tahay guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed.

War ay soo saartay Hillary Clinton ayay ku sheegtay in iyadoo ka wakiil ah madaxweyne Obama iyo shacabka Mareykanka ay hambalyo u direyso golaha ansixinta dastuurka iyo dadka Soomaaliyeed sida taariikhiga ah ee ay u heleen dastuur uu dalkoodu yeelanayo.

Clinton ayaa sheegtay inkastoo ay jireen daruufo adag haddana loo codeeyay dastuurka, taasoo muujineysa ayey tiri sida ay Soomaalidu diyaarka ugu tahay in ay dalkooda dib u dhistaan.

Mrs. Clintin, Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa soo jeedisay in howlaha dhiman sida soo xulidda baarlamaanka cusub la de-dejiyo iyadoo lala imaanayo hufnaan, isla markaana xilligii loogu talagalay lagu soo gabagabeeyo waqtiga ku meel gaarka ah.

Clinton ayaa mar kale ku celisay in taageerada Mareykanku uu siiyo shacabka Soomaaliyeed ay sii socon doonto si loo gaaro nabad, xasillooni iyo barwaaqo.

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: