Hambalyo.. Gabdhaha Walaalaha Soomaaliya iyo Jabouti oo guuleystay.

Hambalyo Soomaaliya iyo Walaalaheen Jabouti iyo Gabdhaha noo tartamay Samsam Maxamad  iyo Saurah Ali oo u orday Somaliya iyo Jabuuti.

Samsam waxey ku oraday 400 mitir, 1 daqiiqo, 20 mirir iyo 48 ilbiriqsi,,,, waa dadaashey gabadheena waana garab taagannahay, waxey la oroday Gabdho dhowr jeer oo hore ka qeybgalay tartamo caalami ah, welibana heysta Biladaha Dahabka ee ugu sareeya Olombikada Caalamka, waxeey noo tahay guul iyo farxad in ay timaado garoon caalami ah iyadoo sidata magaceenna SOOMALIYA welibana SOOMAN, guul aan la arkin lana maqlin ayeey noo soo hoysay, aad ayaan uga mahadcelineynaa, waxaan leenahay, waad mahadsan tahay, KA NAXOOW NAFTA WAA!!!

Sidoo kale Gabadheena labaad oo JABUUTI uga qeyb galeysa Saurah Ali, oo 17 jir ah, waxeey ku orday 400 mitir, 1 daqiiqo, 5 mirir 37 ilbiriqsi, waxaad kor u qaaday sharaftii Jabuuti iyo isirka Soomaali oo dhan, waxaan nahay walalahaa ku jecel kuuna hanweyn, guul bay noo tahay in aad ka soo qeybgasho tartankan caalamiga ah, aad ayaan ugu faraxsanahay dadaalka Walaasheen waana u mahad celineynaa, waxaan ku leenahay, waad mahadsan tahay, inaad kor u qaaday Walaaha Jabouti iyo Somalia. well done, KA NAXOOW NAFTA WAA!

W/D: Amina Muuse Weheliye

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: