Kooxda Al-Shabaab oo sheegtay in ay xukun dil Toogasho ah ku xukuntay ergooyinkii Ansixiyay dastuurka Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ku Xukuntay  ergadii ansixisay dastuurka KMG Soomaaliya xukun dil toogasho ah, waxayna sabab uga dhigtay in ay meel-mariyeen dastuur ka soo horjeedo Diinta Islaamka.

Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-C/raxmaan) oo ku magacaawan Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Al-shabaab, oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa ku dhawaaqay inay meel walba ku beegsan doonaan cid walba oo gacan ka geysatay dastuurkii shalay lagu ansixiyay magaalada Muqdisho.

Sheekh Abuu-C/raxmaan oo arrintaa ka hadlayeyey wuxuu yiri: “Cid walba oo ka qaybqaadatay ansixinta dastuurka waxaan caddeynaynaa inay dil noogu xukuman tahay meel walba oo ay joogaanna aan ku beegsan doonno,” wuxuuna intaas ku daray in dastuurka la ansixiyay uu yahay mid looga horjeedo diinta Islaamka.

Sidoo kale, afhayeenka Xarakada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay inay iyagu mas’uul ka ahaayeen weerarradii ismiidaaminta ahaa ee shalay laug weeraray xarunta uu ka socday shirka ansixinta dastuurka, wuxuuna xusay in weerarradaas ay fuliyeen laba xubnood oo iyaga ka tirsan.

Dhanka kale, Sheekh Abuu-muscab wuxuu sheegay in weerarkaas ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah, balse mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay inay weerarkaas ka hortageen uusan wax khasaare ah u geysan.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: