Nin katirsan Al-Shabaab oo saakay Miino u dhigay Taliyaha ciidamada Nabadsugidda oo la qabtay.

Ciidamada Nabadsugidda Qaranka ayaa saaka gacanta ku dhigay Nin Miino ku qarxiyay waddo ay isticmaalayeen gaadiid ay wateen ciidamada nabadsugidda agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Taliayaha ciidamada Booliiska G/Banaadir Axmed Xasan Maaalin ayaa Warbaahinta  u sheegay in ay qaraxday Miino lagu aasay waddo ku dhow hoygiisa oo ku yaalla nawaaxiga Kilo Mitir 4, xilli ay halkaasi marayeen gaadiid ay lahaayeen ciidanka naabadsugidda, kuwaas oo uu la socday taliyaha ciidamada nabad sugidda G/Banaadir Qaliif Axmed Ereg.

Taliyaha booliiska G/Banaadir Axmed Xasan Maalin oo isna ka hadlay arrintaas wuxuu yiri: ‘’Ma jirto cid wax ku noqotay qaraxaasi hase yeeshee ciidamada naabadsugiddu waxa ay ku guuleeysteen in ay gacanta ku soo dhigaan ninki qarxiyay Miinada oo gacantiisa ku wata Remutkii uu ku qarxiyay Miinada isla goobtii ayuuna ku qirtay in uu isagu qarxiyay Miinada’’.

Si kasta ha ahaatee Shalay ayey aheyd maarkii ciidamada dowladdu ay faashiliyeen labo nin oo doonayay in ay isku qarxiyaan madasha lagu ansixinayay Dastuurka KMG ah.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: